Madaxweyneyaasha Maraykanka & Koonfurta Kuuriya oo Xidhiidh Telefoon kaga arrinsaday Xiisada ay Sababtay Waqooyiga Kuuriya
Washington 03. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynayaasha marayakanka iyo koonfurta kuuriya ayaa xidhiidh dhinaca tilifoonka ah oo ay yeesheen ku heshiiyey in wado hadal diblomaasiyadeed lala yeesho xukuumada waqooyiga kuuriya, iyadoo ay saaran tahay cunaqabataynta adag ee lagu soo rogay.
Afhayeen guriga cad ee looga taliyo maraykanka u hadashay Miss: Haarison oo heshiiskan ku dhawaaqaday waxa ay intaasi ku dartay in ay wali miiska saaran tahay in hab mulatari lagu xaliyo xiisada gacanka kuuriya, hase yeeshee ay fiican tahay in dariiqa wado hadalka iyo diblomaasiyada lagu dhameeyo.
Arintani waxa ay ka dembaysay markii dawladaha Ruushka iyo Shiinuhu ka dalbadeen maraykanka iyo koonfurta kuuriya in ay haboon tahay in xiisada gobolka ka jirta lagu dhameeyo wado hadal diblomaasiyadeed, iyagoo ka digay in aan dagaal lagu deg-degin.