|

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Xisbiga Waddani Isaga Casilay Kadib Markii Xisbigaasi ku Taageeri waayay Hankiisii ahaa inuu Noqdo Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda & Doodiisa Maanta DAAWO

Hargaysa 02. September 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ah Mudane ka Tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland Isla markaana Xubin ka ahaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iska casilay guud ahaanba xisbigaas.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay inaanu muddo siddeed habeen iyo siddeed maalmood ku siman aanu seexan ee uu is-miranayey (isla-tashanayey ama shawrayey), isla markaana uu go’aansaday inuu ka baxo Xisbiga Waddani oo uu ka mid ahaa Afartii sannadood ee u dambeeyey, ka dib markii Xisbigu ka fadhiistay inuu garab-istaago markii uu isu sharraxay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada.

Comments are closed