Faysal Cali Waraabe oo Bogaadiyay Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu Hore eedaymo badan ugu Jeediyey DAAWO
Hargaysa 01. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya inuu Wax ka qabtay dhaliilo uu u soo Jeediyey oo ku saabsanaa In Ciidanka Liyuu boolis ay tacadi u gaystaan shacabka Somaliland ee u safraya Itoobiya.
Gudoomiye Faysal Waxaa kale oo uu ka hadlay hadal ka soo yeedhay dawlada Somalia oo sheegtay inay la wareegayso maamulka hawada dalkii la isku odhan Jiray Somalia iyo Sida uu u arko wareegto uu ku simaha madaxweynaha JSL ahna Madaxweyne Ku Xigeenku ku faray Wasaaradaha dawladu inay mudo toban cisho ah ku soo gudbiyaan waxqabadkoodii iyo arrimo kale.