Maareeyaha Shirkadii u Horaysay ee Somaliland ka Suurto Gelisa ka Faa’iidaysiga Tamarta Cadceeda oo Sharaxay Sababtii Keentay inay Shirkadan dalka ka furaan
Hargaysa 01. September 2017 (SDN/QJ):- Sayid Cali Axmed waa Maareeyaha Guud ee Shirkada Golis Solar System Waa dadkii ugu horeeyay ee Somaliland ka bilaabay Mashruuc ku shaqeeya tamarta cadceeda oo laga dhigo Laydh amase Koronto.
Maareeyaha Shirkada Golis Solar System Sayid Cali Axmed wuxuu Sharaxaad ka Bixiyey Marxaladihii kala duwanaa ee Shirkadani soo Martay intii ka danbaysay aasaaskeeda waxaanu Sidaas ku sheegay mar uu u waramayay Barnaamijka Baro oo ku dayo Muwaadinkaaga danta Guud waxa weyn ka soo qabtay rubuc Qarnigii tegay ee Ku dayashada mudan kaas oo uu soo saaro aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin.
Ugu horayn Waxa uu Sayid Cali Axmed ka Jawaabay Xiligii uu dhashay ,Halkii uu ku dhashay iyo deegaanadii uu ku soo barbaaray isagoo Yidhi ‘’ Waxaan ku dhashay Mashruucii Ceel bardaale ee Ku yaala gobolka Gebilay Sannadkii 1982-kii isla deegaankaas Ayaan ku soo barbaaray intii aan waddanka laga Qixin,Markii dalka lagu soo noqday Ayaan waxbarashadaydii ka bilaabay Magaaladdan hargaysa oo aan ku qaatay Waxbarashadii Dugsiyadda Hoose,Dhexe,Sare Iyo Jaamacadda Hargaysa,Sidoo kale Waxbarasho dhinaca Tamarta ah Ayaan ku qaatay Dugsigii farsadama ee Hay’adda Hava yooko, Markii danbena waxaan ka Kordhiyey Jaamacad Ku taala Gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka taas oo aan ka qaatay Digri dhinaca Solar-ta ah,’’.
Sayid Cali Axmed Waxa uu ka Hadlay goortii uu Shaqada Solar System-ka Bilaabay Waxaanu Yidhi ‘’Shaqada waxaan bilaabay Markii aan fasalka 8aad ee dugsiga dhexe ka baxay anigoo Xiligaas bartay Farsamadda laydhka taas oo aan ku shaqaynayay intii aan dugsiga sare iyo Jaamacada ku Jirayba waxaan shaqadan laydh gelinta bilaabay 2002-dii anaga oo ku bilownay hab Mutadawacnimo ah, dhinaca kale Shaqada Solar-ta amase in Tamarta ilayska loo bedelo Laydh waxaan ka barantay hay’ada Havayooko Sannadkii 2003-dii Mashruuc ay Caawinaysay Hay’ada Adra iyo USIAD ee Maraykanka,markii aanu baranay farsamadii Solarta waxaan ku sii biirinay Ta Laydhka amase Korontada.
Sayid Cali Axmed waxa kale oo uu ka Hadlay Goortii dunnida uu ku faafay in Tamarta Cadceeda loo rogo Laydh iyo Sida ay ku ogaadeen waxtarkiisa waxaanu Yidhi
‘’Wixii ka soo Bilowda sanadihii Sideetameeyadii ayuu Adduunka ku soo Kordhay habkan Cusub ee Tamarta Cadceeda/Ilayska loogu bedelayo in Laydh markii aan aqoontiisa baranay ee ogaanay faa’iidadiisa Ayaan dadweynaha ku wacyigelinaynay Sidii ay u adeegsan lahaayeen habkan Solar System-ka kaas oo qiimo ahaan ka jaban’’.
Sayid Cali Axmed Waxaa Kale oo uu Xogwarankiisa kaga hadlay Markii uu Fikirkan adeegsiga Tamarta Cadceeda ama Ilaysku ka hano qaaday Somaliland ‘’Marka la eego xiligii uu fikirkani ka hirgalay Somaliland waxa uu u kala baxaa laba qaybood 2003-dii ilaa 2005-tii waxaan ku hawlanayn sidii aanu dadka ugu wacyigelin lahayn ka faa’iidaysiga tamartan hasa yeeshee waxaan odhan karaa wixii ka danbeeyay 2007-dii ilaa 2011-kii ayay bilaabmeen dad iskood u socda oo raba Solar System si ay Laydhka ugu bedeshaan Laakiin Maanta alxamdulilaah waddankii oo dhan wuu gaadhay markaan eego Somaliland Magaaladda Laascaanood oo kale waxay ka mid ahayd Meelihii uu Mashruucani ka taabo qaaday waxayna qaadatay 250 Kilo wat taas oo ay ku wada shideen Magaaladda Laascaanood,Sidoo kale Burco Sannadkii tegay ayay Laba Migo wat qaadatay Halka Magaaladda Hargaysa iminka xoog loo qaato iyadoo dadkii ganacsiyada lahaa ay ku soo dhiiranayaan iyagoo u arka hindise wax weyn ku soo Kordhinaya Ganacsigooda isla markaana fududaynaya in wershado badan la abuuro Maadaama uu Kharashkiisu ka Jaban yahay Laydhka Caadiga ah.
Sayid Cali Axmed Waxa uu ka Jawaabay Su’aal u dhacaysay Waxaa Jirta in Dadka qaar ay fikrad kale ka qabaan Solar-ka una arkaan wax Cilad badan una shaqaynayn sidii la rabay Sidoo kalena qofkii Xidha marka ay Ciladi kaga Timaado uu dhaqaale badani kaga baxayo iyadoo marka ay dadkaasi is barbar dhigaan Laydhka Caadiga ah iyo Solar-ta ay qaataan Laydhka hadaba sideed u aragtaa doodaas.
Maareeyaha Shirkada Golis ee Solar System-ka oo arrintaas ka Jawaabaya ayaa waxa uu Yidhi ‘’ arintani waa mid soo Kordhaysay.
Xogwarankan oo aad u dheeraa waxa uu Maareeyaha Shirkada Golis ku faahfaahiyey Himilooyinka u degsan Shirkadoodda Wakhtiga dhow Iyo Ka Fog labadaba.