Maxkamadda Ayuu Ku Hamaansaday Kadibna Waxaa Lagu Xukumay 6 Bilood oo Xadhig ah!
New York 01. September 2017 (SDN/QJ):- Sannadkii 2011 garsoore Maraykan ah oo wakhtigaasi ridayay go’aanka xukunka uu gaadhay ayaa ku xukumay nin lagu magacaabo Clifton Willymer oo ka mid ahaa dadkii go’aanka maxkamadda dhegaysanyay xukun 6 bilood xadhig.
Xaakinka ayaa ka cadhooday ka dib markii uu ninkaasi aad u hamaansaday oo dadkuna kuwada jeesteen dhowaaqa hamaansigiisa, Garsooraha ayaa arrinkaasi aad uga cadhooday oo u arkay inuu xaqirayo go’aanka xukunka maxkamadda.
Laakiin waxa la sii daayay Wiltmer markii uu xidhnaa muddo 3 toddobaad ah, ka dib markii la dhaleeceyay xukunka lagu riday.