Somaliland: Fasaxa Ciidda Ee Shaqaalaha Dawladda Oo La Shaaciyey DAAWO
Hargaysa 30. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed (Geelle) ayaa Maanta Shaaciyey Fasaxa Shaqaalaha Dawladda ee Maalmaha Ciidda Carrafo.
Guddoomiye Sharmaarke oo Maanta ka hadlayey Munaasibad uu Shaqaale Tababbar ugu soo xidhay, ayaa sheegay in Fasaxa Shaqaalaha Dawladda ee Ciiddu ka bilaabmi doono Maalinta Jimcaha oo ah Maalinta koowaad ee Ciidda Carrafo, Sabtida iyo Axadda ku xigana Shaqaaluhu Fasax ahaan doonaan, Maalinta Isniintana Shaqaalaha Dawladdu ay ku noqon doonaan Shaqooyinka ay Qaranka u hayaan.