Sadex Boqol oo Muhaajiriin ah oo ay soo badbaaadiyeen Ciidanka Xeebaha Liibiya
Tribal 31. August 2017 (SDN/QJ):- Ciidanka ilaalada xeebaha dalka Liibiya ayaa soo badbaadiyey shalay in ka badan Saddex boqol oo qof oo muhaajiriin sharci darro ah kuwaasi ku cadilaa biyaha badda ee ku beegan Galbeedka Caasimadda Dalkaasi kuwaasi oo beegsanayey inay dalalka yurub u Gudbaan..
Afhayeenka ciidanka ilaalada Xeebaha dalka Liibiya wuxuu sheegay in ay ciidamadoodu ay soo badbaadiyeen laba boqol iyo afar qof oo muhaajiriin ah, kuwaasi oo saaraa Laba laash oo mid kood ka samaysan yahay Rabadh iyaga oo marayey biyaha badda Sabraata ee Galbeedka caasimada dalkaasi.
Af hayeenku waxa uu sheegey, in dadkan la soo badbaadiyey ay ka mid yihiin todoba haween ah iyo Lix caruur ah, dhamaan dadkaasina waxay u kala dhasheen dalalka afrika qaarkood,Masar,Maroko iyo Tuunis.
Dalka Libiya ayaa waxa uu yahay dalka ay beegsadaan dadka doonayainay si sharcidarro ah ugu Gudbaan dalalka Yurub kuwaasi oo Liibiya uga Gudba dhinaca dalka talyaaniga si ay ugaga siiGudbaan dhinaca dalalka kale ee Yurub.