Badhasaabka Gobolka AWDAL Oo Caddeeyay In Shaqo-joojintiisu La Xidhiidho Dhul Dan-guud
Hargaysa 29. August 2017 (SDN/QJ):-Badhasaabka Gobolka AWDAL Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine) oo Madaxweyne ku-xigeenka, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) uu Shaqo ka joojin ku sameeyay Xalay, ayaa sheegay inuu Aqbalay Shaqo joojinta uu ku-simaha Madaxweynuhu ku sameeyay.
Badhasaabka AWDAL oo uu Telefiishanka Eryal waydiiyey sida uu u arko Shaqo joojinta uu Madaxweyne ku-xigeenku ku sameeyay, ayaa ku jawaabay “Shaqada waxa iga joojiyey Madaxweyne ku-xigeenka Qaranka oo ah ku-simaha Madaxweynaha, wuxuu Xaq u leeyahay inuu iga joojiyo, isagaana iga joojiyey, Amarkiisana waan qaatay, Xilkiina waxaan ku soo wareejiyey Badhasaab ku-xigeenka, Aniguna waxaan imida Hargeysa. Markaa Aniga Madaxweynaha ayaa I Magacaabay, Go’aanka Madaxweynaha ayaan sugayaa.”
Badhasaabka AWDAL oo la waydiiyey inuu jiro Dhul Dan-guud ah oo uu doonayey inuu iibiyo isla-markaana khilaafkii ku dhex maray isaga iyo Maamulka Golaha Deegaanka Boorama uu keenay in Shaqo joojin lagu sameeyo, ayaa kaga jawaabay “Dhul Sharcigu i siinayo inaan Faro-geliyo ma jiro, haddaanu ahayn Dhul Shacabka iyo Dawladdu ku muransan yihiin oo aan Dhex-geli karo marka lagu murmo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey in Madaxweyne ku-xigeenku sababta uu shaqo joojinta ugu sameeyay tahay muranka isaga iyo Maamulka Degmada Boorama ku dhex maray Dhul uu doonayey inuu iibiyo, “Ma jirto meel waddo ah oo aan Anigu fasaxay. Waxa jiray Dhul uu hore Madaxweynuhu ugu ogolaaday in laga iibiyo Ganacsato, taasina hore ayay u dhamaatayba. Laakiin waxan uu ka hadlayo Madaxweyne ku-xigeenku waa Arrintaa uun oo Ramaax (Wakhtigii uu Ramaax ahaa Badhasaabka Awdal Dhul la iibiyey), laakiin imika Anigu wax kale odhan maayo.”