|

Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin Oo Gudoomiye Muuse Biixi Ku Eedeeyay Saamigii Beeshiisa Oo Uu Duudsiyay Iyo Beesha Oo Talo Isugu Noqondoona DAAWO

Hargaysa 30. August 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland isla markaana axadii u Tartamay Jagada Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda balse Codkiisa oo Qudha ka helay Fadhigaasi ayaa eedayn u soo Jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu duudsiyey Saamigii Beeshiisu ku lahayd Manaasiibta hogaaminta qaranka Somaliland.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin waxa uu xusay in Beesha uu ka dhashay ee Ciise ay Talo isugu noqonayaan isagoo Sheegay in Markii Loolanku socday ay Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye oo uu ka mid yahay Loogu yeedhay Guriga Madaxweyne ku Xigeenka Waxaa kale oo uu xusay in Wasiirka Madaxtooyadu uu qayb weyn ka ciyaaray sidii ay Beeshiisu u waayi lahayd Xilka Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda.

Comments are closed