|

Hargaysa:Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka oo ka Hadlay qaabka loo hagi doono doodo ay u qabanayaan murrashaxiinta xisbiyada qaranka ka hor doorashada Madaxtooyada

Hargaysa 30. August 2017 (SDN/QJ):- Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland, ayaa shaacisay inay qaban doonto doodo dhexmaraya murrashaxiinta saddexda xisbi qaran ee u tartamaya jagada Madaxweynenimada Somaliland.

Guddoomiyaha Fulinta ee Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka Mr. Maxamed Faarax Xirsi oo saxaafadda kula hadlay xaruntooda caasimadda Hargeysa shalay, waxa uu caddeeyey in doodaha saddexda xisbi qaran la qaban doono ka hor inta aan la gaadhin doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 13 November 2017, haddii Ilaahay yidhaah.

 

“Waxaannu caddeynaynaa in Akaademiga Nabadda iyo Horumarku – Somaliland inuu Insha Allah qabanayo dooddii saddexda xisbi oo mideysan ay wada galayaan haddii Alle yidhaahdo, Akaademiga Nabadda iyo Horumarku uu soo qabanqaabinayo. Si dhexdhexaad ah oo wanaagsan oo ay bulshada reer Somaliland kaga bogato, murrashaxiintana su’aalo ay ku weydiiso, murrashaxiintuna waxyaabaha ay doonayaan inay dadkooda iyo dalkooda u qabtaan u soo bandhigaan, kulana wadaagaan barnaamijka xisbiyadooda oo ay dadkooda ku qanciyaan,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Faarax Xirsi.

 

Waxaannu intaas raaciyey; “Waxaannu u aragnaa arrintaasi inay saldhig u tahay aasaaska dimoqraadiyadda Somaliland, in dadku aanay murrashaxiintooda ku dooran nidaam qabiiliya, laakiinse ay ku doortaan waxqabadkooda, kartidooda, aqoontooda iyo bulshada reer Somaliland siday ugu adeegayaan. Annaga oo markaas taa ka duulayna, ayaannu saddexda xisbi doonaynaa in aannu hawshaas ka taageerno.”

 

“Kollayba, Akaademigu waxa uu saddexda xisbi ka keeni doonaa dad wakiillo u ah. Dadkaas wakiillada ah iyo Akaademiga Nabadda iyo Horumarka, ayaa habka loo qabanayo iyo goorta la qabanayo iyo goobta lagu qabanayo iyo arrinta (Issue) laga hadlayo iyo qaabka looga hadlayo. Waxaas oo dhan wakiilladaas saddexda xisbi ka iman doona ayaa eegi doona oo hagi doona, Akaademiga Nabadda iyo Horumarkuna wuu ka caawinayaa.”

 

Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland, ayaa sidoo kale ballanqaaday in dooduhu u qabsoomi doonaan qaab xisbiyadu ku wada qannacsan yihiin, isla markaana ay keeni doonaan dad aqoon leh oo hawshaas kala shaqeeya.

 

“Waxa kaloo aannu sameyn doonaa dad iyaguna xisbiyada wakiilladoodaasi ku qanacsan yihiin oo ay raali ka yihiin, oo aanay wax su’aal ah ka qabin, laakiinse aqoon u leh; waxyaabaha caqabadaha ugu waaweyn ee maanta Somaliland hortaaggan, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed iyo mid amniba ee ay Somaliland maanta la tacaalayso, dad aqoon u leh oo bulshadana metelaya.Markaa taas ayaan jecelahay in aan bulshada iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan gaadhsiiyo,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Faarax Xirsi.

Comments are closed