|

‘’Anigu ma odhan karo weerar ee niman cidla ka hanjabayey ayey ahaayeen, ninkii telefishanka ka hanjabayeyna iminka wuu xidhan yahay’’ Gudoomiye Ramaax

Burco 30. August 2017 (SDN/QJ):- Badhasaabka Gobolka Togdheer ee Somaliland Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa u jawaabay xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka magaalada Boorama ee xarunta Gobolka iyo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo labaduba hore u eedeeyey.

Guddoomiye Ramaax oo daba socday hadal ay warbaahinta siiyeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama ee Gobolka Awdal oo uu hore badhasaab uga soo noqday, kuwaas oo sheegay inuu iibsaday dhul ku yaal magaaladaasi, ayaa isna waxa uu dhaliilo culus huwiyey mudanayaasha degmadaasi, gaar ahaan Maayarka oo uu masuuliyad-darro dusha u saaray.

 

“Ceeb bay ku tahay reer Boorama inay kuwaas oo kale hayaan talada deegaanka oo ah Kaari, Darawal, mid aan waxba soo baran iyadoo ah magaalada ugu cilmiga iyo aqoonta badan Somaliland inuu maanta Kaari u ahaado maayar, inay iyagu iska dulqaadaan baa u taal. Habeen dhawayd baan tagay Boorama, kadibna waxaan arkay laydhadh noo bixi jiray oo kuwa Cadceedda (Solar) ahaa oo dhulka ku daadsan, markaasaan idhi maye nimankii deegaanku iyo laydhadhkii bixi jiray maye? Waxa la igu yidhi waa la gurtay oo iskaraab ahaan baa loo wada iibiyey, halkay iga raaceen intaas ayey ahayd, runtii waa nasiib-darro mashruuc 200 kun doollar ahaa oo aannu galinay Boorama berigii aan joogay, dadweynaha ayaa ii markhaati-furaya, yaa masuuliyadeeda leh? Raggii hawshaasi lahaa intay tv-ga soo fadhiistaan inay inagu eedeeyaan dhul buu cunay oo uu iibiyey waa nasiib-darro, anigu shan gobol baan guddoomiye ka soo noqday la soo helimaayo weli maayar aan warqad u qortay oo aan dhul waydiistay, waayo waxayagii hore ayaaba iga badan oo baahi iima hayso,” ayuu yidhi

Md. Ramaax oo u warramay telefishanka madaxbannaan ee Eryal, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Anigu Boorama fiise (Visa) u soo qaadanmaayo, Wabar-ba waan uga tagiwaayey oo shan jeer igu soo weeraray gurigayga, waanuna ka guulaysanay, waanigaa iminka fasaxa wasaaradda ka soo qaatay, ta qallinjabinta ayaan imanayaa ee ninkii Boorama ii diidayow kaantaroolka ha inoo ahaato askarina ilama socdee.”

 

Dhinaca kale, waxa uu iska difaacay eedo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ugu soo jeediyeen inuu xidhxidhay dad xisbigooda ka tirsan oo ku sugnaa Gobolka Togdheer, waxaannu isagoo gabay ugu jawaabaya uu yidhi, “Nin baa laba dumar ah u gabyayey wax rag loogu maahmaaho maahee, waxa uu yidhi; ‘Garacyalay haween naag marwo ah way ka gubataa, mid siddeeda gudahaawatay meel u gogashaa,’ markaa wixii xumi iyagaa is doonta, aad baan uga yaqyaqsoonayaa in WADDANI sheegto oo ay yidhaahdaan xisbigayaga ayuu ahaa inamo yaryar oo ciyaalo-suuq ah oo dhagax meel isla taagay, annagaa nabadgalyada masuul ka ah, waxaannu ballanqaadnay in aannu xisbiyada dhex u nahay, laakiin in xisbi sheegto qof qarriban oo wax xaday ama wax caayey oo maxkamadda laga soo dacweeyey inuu yidhaa waxa uu ka tirsanyahay xisbigayaga, gaar ahaan WADDANI waa wax laga xumaado.”

 

Geesta kale, Guddoomiyaha Togdheer waxa uu ka hadlay tallaabo laga qaaday koox weerartay xaafad dad danyar ahi degan yihiin oo ku taal magaalada Burco, kuwaas oo uu ku tilmaamay bilaash-xaytayaal.

 

“Anigu ma odhan karo weerar ee niman cidla ka hanjabayey ayey ahaayeen, ninkii telefishanka ka hanjabayeyna iminka wuu xidhan yahay, intoodii kalena waa lagu daba joogaa, waakii lahaa dawladni nooma iman karto ee muxuu isku difaaciwaayey markii ciidammadu soo qabteen. Waxaan u arkaa inay tahay warbaahinta oo si qaldan looga faa’iidaysanayo, meesha dawlad baa ka jirta, ninkii gardarroodana sharciga ayaa la marinayaa sidaa kuwaa loo soo qabtay. Qofku gar wuu is bidi karaa oo wuu soo ashkatoon karaa, laakiin cid ay u yimaadeen anigaa Badhasaabkii Gobolka ah oo hal warqad oo ay leeyihiin weli maan arag, dawlad baa wax noo fulinwaydayna way ka lahaayeen telefishanka, kadibna waxay bilaabeen inay hanjabaad ku bilaabaan dad masaakiin ah oo meel iska degan, taana tallaabo ayey ciidammadu ka qaadeen oo waa la soo qabqabtay intoodii hore,” ayuu yidhi.

Comments are closed