Xukuumadda Somaliland oo Beenisay in Maamulka Hawada loo Wareejin Doono Muqdisho iyo Wada Hadalka Maamulka Hawada Somalia oo Dib u Bilaabmaya Bisha Sagaalaad ee soo Socota,Muxuu Yahay Shardiga S.land?
Hargaysa 30. August 2017 (SDN/QJ):- Wasaarada Duulista hawada Somaliland ayaa waxba jiraan ku tilmaantay Warar sheegaya in dawlada Somalia ee aynu deriska nahay lagu wareejinayo maamulka hawada ee wixii la isku odhan jiray Somalia.
Afhayeenka wasaaradda duulista Somaliland Ismaaciil Cali Axmed ayaa sheegay in labada dal ee Somaliland iyo Somalia uu hore u dhexmaray heshiis ku saabsan qaabka loo maamulayo maamulka hawada heshiiskaas oo hore la isugu afgartay in la dhiso gudi madax banana oo ka kala socota labada Wadan oo wada maamula Hawada iyadoo sida lagu heshiiyey uu Xafiiska Gudidaasi ahaado Caasimada Somaliland ee Hargaysa, afhayeenka Wasaaradda Duulistu waxa uu xusay in Dawladihii u kala danbeeyay Soomaaliya ay fuli waayeen Heshiiskaas, sidaasna uu hakad ku galay wada hadalku.
Wasaaradda Duulista Somaliland waxay sheegtay in hada la filayo in Wada hadaladii Maamulka hawada dib loo amboqaadayo bisha 9 ee fooda inagu soo haysa, iyadoo ay Somaliland sugayso fulinta go’aamadii hore loogu heshiiyey taas oo ay Goob joog ka ahaayeen beesha Caalamka iyo Hay’ada Qaramada Midoobay U Qaabilsan Duulimaadka Hawada ee ICAO .
Sida ay hore u cadaysay Xukuumada Somaliland waxaa Maamulka Hawada Somalia xukunta oo gacanta ku haysa Hay’adda Qaramada Midoobay ee ICAO warku wuxuu intaas ku darayaa in Hadii Somaliland iyo Somalia ay ku heshiin waayaan Maamulka hawada maadaama wakhtigii loo qabtay uu gabo gabaya yahay ay sii maamuli doonto hay’ada ICAO.