Booliska Jarmalka ayaa Weeraray Laba Nin Oo La Sheegay Inay Qorshaynayeen Inay Khaarajiyaan Siyaasiyiinta Jarmalka Ee Garabka Bidix Oo Ka Soo Horjeeda Soo-galootiga & Go’aan adayga Raysal wasaare Angela
Berlin 30. August 2017 (SDN/QJ):- Labada qof ee la weeraray waxa ku jira nin boolis ah, waxa aanay looga baqayey inay weerar qorshaysan ku fuliyaan saraakiishan.
Labada qof ayaa aad uga cadhaysnaa mab’da ay siyaasiyiinta ka aaminsanayeen qoxootiga Jarmalka, sida ay war qoraal ah ku sheegeen xafiiska xeerilaalinta Fadaraalka Jarmalka.
Hawlganka labada qof lagu soo qabtay waxa si wada jir ah u fuliyey booliska jarmalka iyo baadhayaal ka socda waaxda Fadaraalka Jarmalka, waxaanu ka dhacay galbeedka dalka Jarmalka.
Ilaa hadda ma jirto cid la xidhay ama waaran qabasho loo soo gooyey. Labada qof ee la tuhsan yahay ayaa doonayey inay marka hore gacanta ku dhigaan wakiilada metelayey siyaasiyiinta garabka bidix, ka dibna ay ku laayaan hub ay siteen.
Madaxda amaanka ayaa aqoonsatay mid ka mid ah la-tuhmayaasha oo ahaa sarkaal boolis ah oo ka tirsan ciidanka ka hawlgala caasimada goboleedka Schwerin.
Sarkaalkan Booliska ah ayaa waajihi doonaa tallaabooyin dhinaca anshaxa ah haddii lagu heli tuhunka.
Raysal wasaaraha Jarmalka ayaa u sheegtay wargaysyada dalka Jarmalka in aanay ka noqnayn qorshaheedii ahaa inay albaabada jarmalka u furtay qoxoontiga ka soo cararayey Suuriy sannadkii 2015.
Angela Markel ayaa bisha dambe isu diyaarinaysa doorasho guud oo ka dhacda Jarmalka. Dalka Jarmalka waxa soo galay soo gelayti dhan 280,000 oo qof sannadkii 2016.