Ururka Timo-jarayaasha Somaliland oo soo Bandhigay Waxqabadkii u Hirgalay Mudo Laba Sanno ah DAAWO
Hargaysa 29. August 2017 (SDN/QJ):-Ururka Timajarayasha Somaliland Ee Midnimo oo soo bandhigey wixii u qabsoomey mudadii labada sano aheyd ee ay jireen.
Gudoomiyaha ururkaasi mudane Deeq Daahir Faarax ayaa faahfaahin ka bixiyay mudadii ururkoodu jiray guulihii u soo hoyday,waxaanu xusay in ay si mutadawacnimo ah ugu shaqeeyaan xarumaha dadka maskaxiyan aan fayoobeyni ay ku xidhan yihiiin iyo jeelasha, ku yaala gudaha Somaliland, kuwaasi oo ay dadka ku xidhan xiirimaadkooda gacan libaax leh ka geystaan.