|

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Punt land oo Shaqadii Ka Joojiyey Taliyihii Ciidanka Booliska Punt land

Garowe 28. August 2017 (SDN/QJ):-Taliyaha Booliiska ee Puntland Cabdulqaadir Shire Faarax “Ereg” ayaa sheegay in xilkii uu hayey uu ka joojiyey madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedkaasi Cabdulxakiim Cabdullaahi Cumar Camey.

Taliyuhu waxaa uu sidan ka sheegay wareysi uu siiyay Idaacada VOA, waxaanu sheegay inuu joojiyay shaqadii sugayana amar danbe.

Taliyaha Booliiska ee Puntland Cabdulqaadir Shire Faarax “Ereg”  isaga oo si faafhaasan uga hadlaya sababta looga qaaday xilka waxaa uu yidhi “Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa soo qorey warqada aniga shaqada leygaga joojiyay,  waxaanu nahay dawlad 19-sano jirtay sharci iyo kala  danbeyna leh awoodbaanu u leeyahay madaxweyne ku xigeenku inuu shaqada ka  joojiyo cidkasta oo masuul ay ka yihiin inkasta oo ay jiraan shuruuc odhaneysa yaa shaqada ka joojin kara, waxaa u dacwooday waaxda la dagaalanka argagixisada iyo mukhaadaraadka taasina ayaana keentay in xilka leyga qaado, shaqadiina waan joojiyay waxaanan sugaya amar danbe”

Comments are closed