|

Badhasaabka AWDAL Oo Beeniyey Eedaymo Ay U Jeediyeen Maayarka Borama Iyo Xildhibaano Golaha Deegaanka Ah

Boorama 28. August 2017 (SDN/QJ):-Badhasaabka Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine), ayaa dhinac iskaga duway eedaymo ay u soo jeediyeen qaar ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka iyo maayarka Boorama, kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa inuu doonayo in la iibiyo Dhul Dan-guud ah oo ku yaalla Magaalada Boorama.

Waxaanu eedaymaha ay u jeediyeen Xildhibaannada Golaha Deegaanka Iyo Maayarka Borama uu beddelkeeda sheegay in Maayarku yahay Masuul dedaal ugu jira iska horkeenka Xukuumadda iyo Maamulka Gobolka Awdal iyo weliba Bulshada Gobolkaasi.

Guddooomiy Shiine oo ka jawaabaya eedaymaha inuu doonayo in Dhul Dan-guud ah la iibiyo ayaa yidhi “Dhul dan guud ah oo wakhtigan la iibinayo ma jiro, waxa uu waddo ku sheegayaana waa dhul ay iiga soo ashkatoodeen Qoys reer Boorama ah oo qayb ka mid ah uu horey uga fasaxay Maayarku, intii u hadhayna ay isku seegeen qoladii dhulka lahayd iyo Maayarka kadibna ay ii soo ashtakoodeen”.

Guddoomiye Mustafe-shiine oo la waydiisay Awoodda uu u leeyahay Arrimaha dhulka, ayaa ku jawaabay “Xeerka 23/2002 wuxuu dhigayaa inaan xaq u leeyahay hadday bulshadu ii soo cabato in aan xal ka gaadho oo aan kala saaro Degmada iyo dadweynaha iska lusha, laakiin ma jirto dhul dan guud ah oo la iibinaayo, dhulka danta guudna waxa ogolaashihiisa lagu iibin karaa Madaxweynaha, Madaxweyne arrintaa loola tegay ama amrayna ma jiro.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu eedaymo u jeediyey Maayarka Magaalada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane, “Waa nasiib daro in Maayarkii magaalada uu kicin dadweyne u badheedho oo uu madaxdii qaranka iyo shacabkii Gobolka iska horkeeno, oo uu ku baaqo in dadweynuhu gedoodaan oo ay ka hor-yimaaddaan madaxdoodii”

Comments are closed