Somaliland iyo Khaatumo oo Heshiis 10 Qodob ah ku Kala Saxeexday Hargeysa & Dareenka labada Dhinac DAAWO
Hargaysa 27. August 2017 (SDN/QJ):- Wadahadal maalmihii u danbeeyey magaalada Hargeysa uga socday dawladda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo, ayaa maanta si rasmi ah loo soo gebo-gabeeyey, waxaana laga soo saaray Toban Qodob oo kala duwan oo ay labada dhinac isla qaateen, sida uu Warbaahinta u akhriyey Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire Axaddii Maanta.
Xubno kala metelayey Guddiyada wadahadalka u qaabbilsan Khaatumo iyo Somaliland, ayaa Shirarka wadahadalku Hargeysa uga socdeen maalmihii u dambeeyey, isla markaana Tobanka Qodob ee ay isla garteen ama ay ku heshiiyeen labada dhinac waxaa Warbaahinta u akhriyey Guddoomiyaha Guddiga wadahadalka Khaatumo u qaabbilsan Somaliland ahna Wasiirka arrimaha dibedda Sacad Cali Shire. Xubno ka tirsan Guddiga Khaatumo, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay.
Qodobbadaasi Khaatumo iyo Somaliland ku heshiiyeen ee Maanta Warbaahinta loo soo bandhigay Nuxurka ay xambaarsan yihiin oo faahfaasan Wasiir Sacad Cali Shire oo Sharraxaya iyo Hadalka Masuul Guddiga Khaatumo u hadlayba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-