Gudoomiyaha Lagu Muransan Yahay Sharciyadiisa ee Golaha Wakiiladda oo Maanta Shir Gudoomiyey Fadhigii G.Wakiiladda Xili Xildhibaan Talyanle uu Goob Joog ahaa DAAWO
Hargaysa 23. August 2017 (SDN/QJ):- Fadhigii maanta Golaha Wakiilada Somaliland oo loo balansanaa In lagu doorto gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi ayaa dib loo dhigay Loona Balamay Maalinta Axada ee Soo Socota.
Fadhigan Waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Lagu Muransan yahay Sharcinimadiisa ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax .
Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in iyada oo la Tixgelinayo codsi ay soo Jeediyeen Xildhibaano badan oo ka Tirsan golaha Wakiiladda oo dalbaday in Khilaafka ka dhex taagan Mudanayaasha dibada lagu soo dhameeyo isla markaana la isugu soo noqdo maalinta axada si goluhu u doorto Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda.
Xildhibaanada Labada dhinac oo Warbaahinta la hadlay ayaa rajo fiican ka Muujiyey in Goluhu uu Khilaafkiisa dhamaysto inta ka horaysa Maalinta Axada ee Todobaadka soo socda.