Siyaasi Axmed Jaanbiir Suldaan oo Shaaciyey inuu Iska Casiley Xisbiga Kulmiye Kuna Biiraya Xisbiga Waddani,Maxaa Sababay? DAAWO
Hargaysa 24. August 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Axmed Jaanbiir Suldaan oo Xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadihii ay Hogaaminayeen Madaxweyneyaashii Geeriyooday ee Somaliland Marxuun C.raxmaan Axmed Cali Tuur iyo Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa Sheegay inuu Gebi ahaanba iska casilay Xilkii iyo Xubin-nimadii Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Isagoo Sheegay inuu si rasmi ah ula Midoobi doono Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.