|

‘’Xukuumaddana nidaamkii dawladnimo, sinaantii iyo cadaaladii wey ku fashilantay, dalkuna wuxuu u baahan yahay in la badbaadiyo’’ Suldaan Daahir Xasan Khaliif

Hargaysa 24. August 2017 (SDN/QJ):- Suldaan Daahir Xasan Khaliif, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka iyo Salaadiintii Somaliland, isla markaana ah Suldaanka guud ee Beelaha Gabooye, ayaa sheegay in Xukuumaddu faragelin ay ku hayso Golaha Wakiilada, isla markaana ay Baashe Maxamed Faarax ku cadaadiinayso in aan khilaafkan wada hadal lagu xalin, waxaanu sheegay in aanay haboonayn in Baashe uu diido Abwaanada.

Suldaan Daahir Xasan Khaliif, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada, waxaanu dhaliilo u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu yidhi “Arinta Golaha waxaad mooda in khiyaano fara badani ka dhacday, taas oo caddaymo badan laga soo bandhigay Doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, iyadoo is daba marini, dhacday ayaa haddana anagoo doonaynay in Golaha la is laaxiyo, waxaana aad iyo aad uga xumahay in Baashe Maxamed Faarax uu abwaanada diido, halka aan uga mahadnaqayo Cabdiraxmaan Talyanle, waxaana u arkaa in dhinaca Cabdiraxmaan Talyanle, ay doonayaan wada hadal iyo in arintan laga heshiiyo, balse waxa cad in dhinaca kale aanay cadaalada iyo dastuurka ilaalinayn, Maxkamaddii la rabay inay sifo sharciya ku dhex gashana, wey iska leexisay, oo waxaad mooda in cadaadis la saaray, sidaas oo ay tahay waxaad mooda in khilaafkan Golaha jujuub lagu wado, in Golaha Wakiiladuna laba Guddoomiye yeeshaan ma qurux badna, waxaana leeyahay Baashe, sharciga ha ku soo noqdo, oo sharciga ha aamino, oo ha yeelo ergada si wax loo hagaajiyo, Baashe waxaan u arkaa inuu yahay nin masuul ah, oo degan, balse Xukuumadda iyo Xisbigeeda ayaa cadaadiis ku haya, waxaana u qurux badan inuu dadka shacabka ah eego, oo haddii laga gar helo, uu qaato, haddii uu gar helana uu qaato, balse maaha inuu is adkeeyo,anagu waxaanu Guddoomiyaha Wakiilada u haysanaa inuu yahay Cabdiraxmaan Talyanle, madaama uu ku doodayo in khalad dhacay, oo uu waliba caddayntii uu haysto, halka ilaa hadda dhinacan Baashe laga hayn wax caddayn ah, iyo dood midnaba, sidaas oo ay tahay haddana waxaanu jecel nahay in wada hadal lagu dhammeeyo, oo tanaasuul lagu dhammeeyo,  waxaan kula talinaya Xildhibaanada Golaha Wakiilada inay isku duubnadaan”.

 

Suldaan Daakir mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Doorashadii ilaa laba bilood baa ka hadhay, umana baahnin dhib iyo in qalaalse la abuuro, mana rabno in qas iyo mushaakiil wax walba inoogu dhammaadaan, Xukuumaddana nidaamkii dawladnimo, sinaantii iyo cadaaladii wey ku fashilantay, dalkuna wuxuu u baahan yahay in la badbaadiyo, oo xaaladan uu ku jiro laga saaro waxaana ka saari kara Xisbiga Waddani ee Waddani la ha doorto, oo dadku codkooda ha siiyaan”.

 

Suldaan Daakir mar uu ka hadlaayey Caafimaadka Madaxweynaha wuxuu yidhi “Waxaan ILLAAHAY uga baryeynaa in Madaweynaha Qaranka Somaliland,uu caafimaad siiyo, nabadgalyana uu ku soo celiyo, Doorashadana inoo qabto, isagoo caafimaad qabana inuu taladda dalka inagu wareejiyo”.

Comments are closed