|

Dagaal Beeleed Kale oo Ka Qarxay Degmada Biyo Guduud ee Gobolka Sanaag & Laba Ruux oo Ku Geeriyooday

Ceerigaabo 22. August 2017 (SDN/QJ):- Mudanayaasha ka tirsan golaha guurtiga Somaliland ee hawsha ergada nabadeed ah u joogay Degmada Ceel afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa baaq nabadeed u diray dadweynaha degmada Biyo guduud ee isla gobolkaasi oo ay maanta dhibaato ammaandaro oo ka dhex dhacday ay sababtay dhimashada Labo ruux.

Gudoomiyaha Ergada golaha guurtida ka socota ee degmada Ceel Afweyn ku sugan Xildhibaan Axmed Daahir maxamuud Jirde oo la hadlay Shabakada Qurbejoog isaga oo ku sugan Magaalada Ceel afweyn waxa uu sheegay inay ugu horayn tacsi ka dirayaan labadii qof ee shaqaaqadaa ku dhintay, waxana uu ugu baaqay dadweynaha deegaankaasi inay ku dadaalaan sidii caqligu u shaqayn lahaa oo ay wadahadal ugu dhammaysan lahayeen waxii dhex yaalla, isagana ilaalin lahaayeen in aanay dhibaatadu sii soconin.

Dhankiisana Xildhibaan Xasan Cumar Axmed oo ka mid ah ergadaasi ayaa sii xoojiyey baaqa nabadeed ee ay u dirayaan labada ardaa ee dhibaatadu ku dhexmartay deegaanka Biyo Guduud ee Gobolkaasi sanaag, waxana xildhibaanku ku wargeliyey gudiga nabadgelyada gobolka iyo gudoonka gobolkaba inay awooda saaraan sidii looga hortegi lahaa in khasaare kale ka dhaco halkaasi, ciidamada ammaankuna ay u guntadaan ka qayb qaadashada xalinta dhacdadaasi.

Ergadan ka tirsan golaha Guurtida oo ka kooban 13 xubnood ayaa intii muddo ahayd waxa ay degmada Ceel afweyn u joogeen hawl dhexdhexaadineed oo laga dhex waday labada beelood oo halkaa wada dega, iyagoo baaq nabadeed oo kaa la mid ahna u diray ardaayadii ay waxyeeladu kaga dhex dhacday Magaalada Buuhoodle.

Comments are closed