Wiilka ugu Cabqarisan Dalka Britain ee Sannadkan 2017 oo La Shaaciyey & Sida uu Ku Guulaystay DAAWO
London 23. August 2017 (SDN/QJ):- Cabqarinimadu waa hibo Ilaahay SWT uu qofka ku mannaysto, waxaanay ka mid tahay nimcooyinka aadka u weyn ee Ilaahay SWT loogu mahadnaqo.
Haddaba, Dalka Britain ayaa lagu qabtay tartan lagu qiimaynayo cabqriyadda iyo xusuusta qofka, waxaana tartankaasi qaybtiisii ugu dambaysay isugu soo hadhay labada wiil ee Rahul oo da’diisu ay tahay 12 jir iyo wiilka magaciisa la yidhaahdo Ronan oo da’diisu tahay 9 jir, labadan wiil ayaa waxay isugu soo baxeen kulankii ugu dambeeyay oo ay fooda isku dareen, iyagoo halkaasi soo gaadhey kadib markii mid kastaaba uu ku guuleystay inuu hantiyo 15 dhibcood, tartankaasi oo lixdii maalmood ee u dambeeyay si toos ah looga soo tabbinayay telefishanka 4aad ee Dalkaasi Britain ayaa waxa si aad ah ka qayb galayaashu u muujiyeen aqoontooda iyo awooda luqadooda afka Ingiriisiga iyo sidoo kale akhriska, higgaada iyo Taariikhda waxaana intaasi dheeraa oo la qiimaynayay awooda xasuusta ka qayb galayaasha tartankani.
Tartankan oo ahaa mid aad u adag waxa ku guulaystay inuu noqdo wiilka ugu cabqarisan Dalka Britain sanadkan 2017ka wiilka Rahul waxaanay garsoorkii dhexda ka ahaa tartankaasi xaqiijiyeen iskuna raaceen in wiilkaasi uu yahay wiil aad u maskax badan isla markaasina cabqarii ah sidaasina uu ku noqday “Child Genius” ee Dalkaasi Britain, isagoo noqday qofkii kaliya ahaa ee ka jawaabay 10 su’aalood oo aan wax caawimo ah u baahan, waalidka dhalay wiilkan la yidhaahdo Minish ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay guusha uu wiilkiisu gaadhay, sidoo kalena hooyada dhashay Rahul oo la yidhaahdo Kumal ayaa sheegtay in aanay soo koobi Karin farxada ay dareemayso.
Rahul oo ka hadlay dareenkiisa kadib markii uu ogaaday natiijada uu hantiyay ayaa waxa uu yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay guusha aan gaadhay, waxaan aad ugu mahad naqayaa labadayda waalid, waxaanan rabaa in mustaqbalka aan noqdo la taliye arrimaha maaliyadda ah”.
Wiilkan ayaa asal ahaan kasoo jeeda Dalka Hindiya, balse waalidkiisu waxay ku noolaayeen Dalkasi Britain muddo aad u dheer, waxaanay haystaan dhalashada Dalkaasi Britain, Aabaha dhalay wiilkan ayaa waxa uu ka shaqeeyaa shirkada Tiknoolajiyada Koombiyuutarada qaabilsan, halka Hooyadiina ay ku takhasustay Pharmacology-ga waxaanay ka shaqaysaa Farmasi ku yaalla magaalada London, qoyskan ayaa guud ahaan waxay ku nool yihiin Barnett ee Waqooyiga London.