|

Booliska Spain oo Cadeeyay inay Dileen Ninkii Weerarka Miidaamada ah ku qaaday Magaaladda Barcelona

Barcelona 23. August 2017 (SDN/QJ):- Booliska wadanka Spain ayaa shaaciyey iney dileen ninkii ka dambeeyey weerarkii maalmo ka dhacay magaalada Barcelona kaasoo mlagu dilay 13 qof, ku dhowaad boqol kalena lagu dhaawacay.

Younes Abouyaaqoub oo 22 jir ah una dhashay dalka Marooko ayaa maalmo ka hor gaari jiirsiiyey dadka uu dhimashada iyo dhaawaca u geystay wado ku taalla magaalada Barcelona.

 

Saraakiisha booliska ayaa sheegay iney ninkan la dilay ka dib iska horimaad dhexmaray isaga iyo Booliska, waxaana la sheegay inuu xirnaa suun been abuur oo loo ekeysiiyey waxyaabaha qarxa.

 

Muuqaal cusub oo la duubay maalintii uu dhibku dhacay oo laga helay kaameerooyinka ammaanka ayaa muujinaya isaga oo cagahiisa kaga baxsanaya goobtii uu dadka ku laayay.

 

Baadigoobka ninkan ayaa horey loogu baahiyay qaaradda Yurub oo dhan, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka Catalan ee dalka Spain.

Comments are closed