|

Aqalka Looga Arrimiyo Dalka Maraykanka oo Muuqaalo laga soo Tebiyey Muujinayaan Jahawareer xad-dhaaf ah oo Ka Taagan

Washington 23. August 2017 (SDN/QJ):- Kani waa sawir la qaaday 7 bilood ka hor ,kaasi oo muujinaya sida degdeg ah ee uu isu badalay maamulka madaxwayne Donald Trump.

Sawirkan oo la qaaday 28 January, ayaa muujinaya madaxwayne Trump oo fadhiya islamarkana ay hareera joogaan madaxda aqalka cad,madaxwaynaha ayaa ku hadlaya taleefoon uu ka helay madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin oo u hambalyaynayay ka dib markii xilka loo dhaariyay. Jimcihii aanu soo dhaafnay,Steve Bannon ayaa noqday qofkii ugu danbeeyay ee shaqada laga caydhiyay ,waxa uuna ku biiray liiska isa soo taraya ee saraakiisha aqalka cad ee shaqada ka tegay.

 

Madaxwayne Donald Trump Ku dhawaad 7 bilood tan iyo intii uu xilka qabtay madaxwayne,Donald Trump ayaa waxa haysta cadaadis dhinacyo badan ka soo wajahaya balse wali waa madaxwayne. Xukunkiisa waxaa hadheeyay baadhitaanka socda ee ku aadan xidhiidhka uu la leeyahay Ruushka. Nidaamyada cusub ee Trump aan wali u suuragalin islamarkana uu caqabad kala kulmay waxaa ka mid ah in uu meesha ka saaro caymiska caafimaadka ee Obamacare iyo mamnuucida dhanka safarada ah ee uu soo rogay.

 

Trump ayaa waxa uu sidoo kale canbaarayn kala kulmay madaxda sarsare ee xisbiyada Jamhuuriga iyo Democratic,gaar ahaan waxa lagu dhaliilay jawaabtii uu ka bixiyay dhacdooyiinkii caddaanka ay cunsuriyada madax martay ay ka gaysteen magaalada Charlottesville.

Saraakiisha shaqada aqalka cad laga caydhiyay waxaa ka mid ah Reince Priebus oo shaqada laga caydhiyay bishii July ka dib markii uu 6 bilood uu ka shaqaynayay aqalka cad. Agaasimihii warfaafinta aqalka cad Anthony Scaramucci ma aanu lahayn nasiib uu muddo badan kaga sii shaqeeyo aqalka cad,waxa uuna ka shaqaynayay maalmo kooban ka dib na shaqada laga caydhiyay.

Comments are closed