Dibad Baxyo Xoogan oo ka Socda Dalka Hoonkoog oo ay ka dhaceen Dibad Baxyo lagu dalbanayo in la sii daayo Sadex Ruux oo Dimuquraadiyada u Dhaqdhaqaaqa
Honkoog 23. August 2017 (SDN/QJ):- Kumanaan qof ayaa ka mudaharaaday Hoonkoog iyaga oo dalbanaya in la sii daayo saddex qof oo u dhaqdhaqaaqayey dimuquraadiyada dalka Hoonkoog.
Dibad-baxayaasha ayaa socod ku soo maray shaaricyada waaweyn ee Hoonkoog iyaga oo ka soo horjeeday saddexdaasi qof oo lagu xukumay inta u dhexaysa lix bilood ilaa sideed bilood inay xabsiga ku jiraan.
Sida ay sheegeen madaxda amaanka Hoonkoog saddexda qof ayaa lagu helay dambi, kaalintii ay ku lahaayeen dallada u dhaqdhaqaaqda dimuquraadiyada oo sharci-darro ka ah dalkan.
Saddexda qof ayey makamadu xabsi ku xukuntay, balse waaxda Caddaalada ayaa sheegtay inay dib u eegayso bal in xabsi daa’in lagu xukumo iyo in kale.
Dibad-baxayaal fara badan ayaa sannadkii 2014 isugu soo baxay waddooyinka mashquulka badan ee Hoonkoog iyaga oo ku dhawaaqayey in la siiyo dimuquraadiyad buuxda.
Dalladan u dhaqdhaqaaqda Dimuquraadiyada ayaa marba marka ka dambaysa ay sii kordhiyeen dadka taageersani.
Qaar ka tirsan ardayda jaamacadaha ayaa hore ugu biiray dibad-baxayaasha dalbanaya dimuquraadiyada, waxaana dalkaasi gilgilay mudaharaadayaal aan kala joogsanayn.