|

Dhakhtar Murugo Ka Qaaday Natiijada Baadhitaan Caafimaad Uu Ku Sameeyay Haweenay !

New York 23. August 2017 (SDN/QJ):- Dhakhtar murrugo iyo layaab ka muujiyey natiijada uga soo baxday baadhitaan caafimaad uu ku sameeyay haweenay, dhakhtarkan ayaa muujiyey in aanu filayn in haweenaydan cudurkaasi Cancer-ka laga heli doono, isagoo sidaasi u aaminay waxay ahayd muuqaalkeeda guud oo sheegayay in aanay haweenaydani bukaan ahayn.

Haddaba, dhakhtarka baadhay haweenaydan ku takhasustay Jimicsiga isla markaana ah tabbabare arday tiro badan oo barata jimicsiyada kala duwan, haweenaydan ayaa aad uga murrugootay jawaabta ay kala kulantay dhakhtarkii baadhay ee ku sheegay inay qabto xanuunka Cancer-ka sambabada.

Haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo Vicky Venice ayaa waxay sheegtay in aanay cabin sigaarka isla markaana ay si joogta ah u jimicsato maadaama oo shaqadeeduba ay tahay inay dadka barto jimicsiga, dhakhtar haweenayda ku sheegay inay qabto Cancer-ka sambabada ayaa waxa uu sheegay in arrinta aadka uga yaabisay ay tahay in xaaladda xanuunka haweenaydan hayaa ay tahay xaalad magaceeda la yidhaahdo Degree 4 oo ah xaalad aad u adag oo aan inta badan qofka xaaladiisu halkaasi ay gaadho aanay dhakhaatiirtu maarayn Karin, si kastaba ha ahaatee waxa xusid mudan in aynu ogaano in xanuunkaasi inta badan uu halleelo dadka sigaarka cabka ah,  laakiin arrintan ayaa ah arrin mucjiso ku noqotay xattaa dhakhtarkii baadhay Vicky Venice.

Comments are closed