|

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani oo Sheegay in Balanqaadkii Gudoomiye Cirro ee Mushahar u Kordhinta Ciidanka Iyo Guryo u dhiskoodu aanu ku Jirin Buuga Barnaamijka Xisbiga Waddani Iyo Dulucda Xogwaran Dhinacyo badan Leh oo uu Bixiyey DAAWO

Hargaysa 21. August 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si Faahfaahsan uga Hadlay Marxalada Siyaasadeed ee Somaliland gashay, Hirdanka u dhexeeya Xisbigiisa Waddani iyo Xisbiga Kulmiye ee Talada dalka haya.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Waxaa Wax laga weydiiyey Balanqaad uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne Mudane C.raxmaan Cirro Sheegay in hadii uu ku guulaysto hogaaminta dalka uu Ciidamada qaranka Somaliland noocyadooda kala duwan u kordhin doono Mushaharka ay qaataan 250% isla markaana ay askari kasta u dhisi doonaan Guri uu galo.

Waxa kale oo Xirsi Cali Xaaji Xasan ka hadlay Khilaaf la soo weriyey inuu Mudooyinkii u dhexeeyay isaga iyo Gudoomiye Cirro.

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xiri Cali X.Xasan oo lagu waraystay Barnaamijka Martida ee Telefiishanka Eryal ayaa qodobadan ka hadlay.

 

‘’Ma jiro wax khilaafa oo naga dhaxeeya Aniga iyo Gudoomiyaha waa wax iska daciifa kumana arag Warbaaihnta kale ee waxaan ku arkay qolada Warbaahinta Kulmiye ee kulmiye taageerta uun baan ku arkaayey, waxaan u qaatay uun inaan qolada Kulmiye iga quusan wali waxaan is leeyhay uun waa kalgacal iyo malaa wanaag ay is leeyihiin Xirsi wuu idiin soo noqonayaa, Xisbigayaga wax khilaafi kama jiro wax dhibina kama jiraan shaqadana marba in baa qabata Aniga iyo Cabdiqaadir Jirdena waanu joognaa Musharixii iyo ku-xigeenkii musharuxuna labada Gobol bay kala mareen markii danbena Sanaag bay isugu tageen si wacan bay noogu socotaa shaqadu Xisbigayaguna waa Xisbi ay taladiisa iyo hawluhiisuba isku duba dhacsan tahay’’

Waxaa Kale oo Hogaamiye Xirsi uu ka hadlay Khilaafka Golaha Wakiiladda iyo Kaalinta Xisbigiisa ‘’Arrin Barlamaan bay ahaydoo annagu dee manaanaan galin manaanan codayn markaa baarlamaanku waxay soo bandhigeen sadex cadaymood oo kala duwan Warbaahintana waad ku aragteen, Waanan ku qanacanay ilaa hadana waanu ku qanacsanahay inay cadaymo sugan yihiin waxa cadayntaa ay soo bandhigeen burin karta Garsoor ka gar-naqa ama sida dhaqankeenu yahay si dhaqan oo looga heshiiyo dadku ay isugu tanaasulaan oo ka wada hadlaan labadaa dariiq baan u aqaan inay runtii wax xalaalayso.

Mudane Xirsi Cali ayaa sidoo kale ka hadlay Khilaaf la soo weriyey inuu ka Dhex qarxay isaga Iyo Gudoomiye Cirro ‘’’Qolada kulmiye ayaan arkayey oo leh waa kii hanbalyeey markaa waxaan leeyahay hadii aan ku arko adiga oo Maryo qurux badan sita oo aan ku dhaho maasha allaah tabaaraka llaah way qurxu badan yihiin Alle ha kuu barakeeyo oo haddana lagugu qabsado oo nin kugu qabsado oo ku dhaho waa la soo xaday ,ducadii aan kuugu duceeyey may kuu xalaalaynaysaa? Markaa waxaan leeyahay way kala duwan tahay sida wax u xalaaloobaan Sharci baa Baarlamaanku isku doortaa sharcibuuna ku noqdaa Hanbalyo kuma noqdo Gudoomiye hadduu sharcigu siiyo ama maxakamadi ha u gar qaado ama golaha si sharci ah ha uga soo baxdo waa axsan oo wanu aqbalaynaa hadii ay ku heshiiyaan Xildhibaanadu Shan iyo Shan bay saarteene ay ku heshiiyaan wixii wanaaga oo ay ku heshiiyaan waa fiican tahay.

Waxaa kale oo Hogaamiyaha Waddani ka hadlay Qaylo ka taagan Dekeda Berbera ‘’Runtii waxaan ogahay cabatin badan oo debada usoo baxay inuu jiro Ganacasatadii oo waraaq ay qoreena aan ku arkay warbaahinta oo ay ka cabanayaan, qaarkoodana aan si cad ula kulmay oo ka cabanayaan in Dekadii xanibantahay oo dhibaato wayni ka taagan tahay iyo mar aan arkay oo Maayirka Berbera oo ka hadlaya Warbaahinta maruu cabirayna inay Dekadii xidhan tahay waxaan filaynay in dekadu ay wax inoo kordhiso ee maynaan filayn inay inooga dartay markaa qeylo ayaa ka soo yeedhaysoo lama dhacsani markaa, Waxaan leeyahay haday jirto aan wax ka qabano hadii kalena dee waa waxaan jirin oo mushkilad malaha.

Hogaamiyaha Xisbiga Waddani waxaa kale oo uu Xogwarankan kaga hadlay Balanqaad uu Ciidamada u sameeyay Gudoomiye Cirro iyo Fasiraad Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye ka bixiyeen ‘’Waxaan is leeyahay runtii Xukuumadda waxaa ka hadlay qaar badan waxaan is leeyhay dee waanay fahmin malaha ama Aqoontoodaa intaa leeg kuwa ka hadlay, laakiin se Musharaxayagu wuxuu ka hadlay anaguna aanu ku qanacsanahay oo siyaasada Xisbiga ah in marka aanu la wareegno Xukunka Isha allaahu tacalaa aanu Ciidamada u kordhino mushaharka sidoo kalana aanu guryo u samayno waana Siyaasada Xisbiga Barnaamijka Xisbigana waa lagu soo darayaa Isha allaahu tacaalaa Barnaamijka Xisbiga marba in baa la soo daayaa Barnaamijka Xibiga qaybtii hore waa lasoo daayay qaybta danbena waa lagu soo darayaa oo waa lasoo daynayaa waa tu aan la dhacsanahay kuwa caynkaa lehna waxaan u arkaa kuwo kasoo horjeeda in Ciidamada ay wax usoo kordhaaan, Ciidamada Somaliland in la dhiirigeliyo in wax loo kordhiyo guryo loo dhiso in dhakhtaro loo dhiso way mudan yihiin , Waa kuwa aynu ku fadhino halkaa anagu ciidamada maanu fara galin ee waxaanu u qabanayno ayaanu sheegnay.

Labdoodaba anagu markii hore waxaanu siinay kalsooni ilaa hadana kalamaanaan noqon kalsoonidii lakiin se inta ay xaqa kutoosan yihiin ee dariiqa ku toosan yihin si wacan wax u wadaan’’

Comments are closed