Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibedda Somaliland oo Muqdisho Ku Sugan & Kulan uu La Yeelanayo Raysal Wasaaraha Somalia
Muqdisho 21. August 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Muqdisho waxaa lagu arkay dhawaana gaaray Wasiirkii hore ee Arimaha Dibedda Somalia Maxamed Cabdulaahi Cumar oo sidoo kale hada ah xubin sare oo katirsan Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye.
Maxamed Cumar ayaa lagu arkay Hoteelo kuyaala magaalada Muqdisho iyo sidoo kale xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana masuulkan uu kulamo hoose la qaatay madax katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya.
Wali lama oga ujeedka uu magaalada Muqdisho u tagay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibedda Soomaaliya hadana ah xubin katirsan Xisbiga Kulmiye, mana jiro ilaa hada wax war ah ay arintan kasoo saartay Somaliland.
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Masuulkan uu wadahadlo kula jiro Madaxda sare ee dalka gaar ahaan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Somalilanad ayaa horey uga mamnuucday siyaasiyiinta iyo dadka kale ee magaca leh in ay tagaan Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan magaakada Muqdisho, lamana oga sida Somaliland ka yeeli doonto Siyaasigan la shegay in uu Muqdisho joogo.