|

Xukuumada  dalka Ciraaq oo Daboolka ka Qaaday Olole Dagaal Si aanay Ciidamada Daacish Dib ugu Qabsan Magaalada Tal-Cafar

Baqdaad 21. August 2017 (SDN/QJ):- Raysalwasaare Xaydar Al-Cibaadi oo khudbad ka jeediyey Television-ka ayaa ku dhawaaqay qorshaha dagaal ee cusub waxana uu sheegay in maleeshiyaadka daacish aanay u banaanayn inay is dhiibaan ama ay dhintaan mooyaane.

Raysalwasaaruhu waxa uu sheegay in 400 kun oo askari oo isugu jira Milateriga wadanka, ciidamada ka hortaga argagixisada iyo maleeshiyaadka shiicada ah ee la hubeeyeyba ay ka qayb qaadaan doonaan duulaanka cusub ee lagu qaadayo magaaladaasi.

Magaalada Tal-cafar ayaa 100 Km u jirta Magaalada Mousel waana xarunta qowmiyada Turkumaanka ee Dalkaasi Ciraaq, iyadoo ay ururka daacish-na qabsadeen sanadkii 2014.

Comments are closed