|

Booliska Hindiya oo Baadhaya Shilkii Tareen ee Ugu Xumaa ee Dalkaasi ka dhaca oo 23 Qof Ku dhinteen In Ku dhow 130 ay ku Dhaawacmeen

Delhi 21. August 2017 (SDN/QJ):- Dalka Hindiya ayaa bilaabay xaqiiqa raadin lagu samaynayo shil Tareen oo ay ku dhinteen saddex iyo labaatan(23) Qof 123, Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, shilkanina waxa uu noqonayaa kii afraad ee ugu xumaa ee noociisa ah  ee dalkaasi ka dhaca Sanad Gudihii.

Afhayeen u hadlay dhabaha Xadiidka tareemadu ku ordaan ee woqooyiga dalkaasi ayaa sheegay inaan ilaa hadda la garanin sababta dhalisay shilkaasi oo ka dhacay dhabaha xadiidka tareemadu ku ordaan  ee Gobolka Ataar Baradhaash oo ilaa boqol iyo Sodon(130)Kiilo mitir u jira Caasimada dalkaasi ee New Delhi.

Tareenkan oo u sii jeeday Magaalada Haru-duwaar oo ka mida Goobaha Muqadasaadka u ah Hunduuska ayaa Saddex iyo Toban ka mida Carabadaha Tareenku ay ka baxeen dhabaha xadiidka  tareenku ku ordayey halkaasi oo ay ku dhinteen saddex iyo labaatan Qof, boqol iyo Saddex iyo labaatan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka  dhabaha xadiidka tareemada Woqooyiga dalkaasi waxa uu sheegey inay maanta bilaabeen baadhitaan lagu xaqiijinayo sababta shilka dhalisay,iyada oo su’aalo la weydiin doono Wadihii tareenka si loo helo sababta dhabta ah ee shilkaasi keentay.

Comments are closed