|

”Waxay Qolo Waliba Beri Soo Fadhiisan Doontaa Iyadoo Laba Gudoomiye Leh” Tiro ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda oo ka Digay Fadhi Beri Golahoodu ku dooranayo Gudoomiye ku xigeenka 1aad & Fariin ay Direen DAAWO

Hargaysa 19. August 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ka Digay Cawaaqibka ka dhalan doona Fadhiga uu Maanta Shaaciyey Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladdu ee uu xusay inay isugu iman doonaan Xildhibaanada Golaha Wakiiladdu maalinta beri si loo doorto Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda.

Waxay Xildhibaanadani Xuseen inaanu qabsoomi karin Fadhiga beri ee Golaha Wakiiladdu ilaa la isla qaato Khilaafkii ka dhashay Doorashada Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Muranka dhalisay.

Comments are closed