Garaadka Guud ee Beesha Dhul bahante Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Ka Hadlay Shaqaaqadda Deegaanka Buuhoodle Ku Dhex Martay Labada Beelood Ee Walaalaha Ah
Buuhoodle 20. August 2017 (SDN/QJ):- Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa Warsaxaafadeed ka soo saaray shaqaaqada Buuhoodle ka dhacday, Garaadka oo war qoraal ah ka soo saaray dhacdadan ayaa waxaa ay u dhigneyd sidan:—-
“Ugu horeyn waxan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan ehelkii asxaabtii iyo qarabadii ay ay dhacday Geeridu, inta dhaawaca ahna waxaan Eebe weyne u waydiinayaa inuu caafimaad sareecana siiyo, bogoodana burcad isu mariyo, waxaan ku baqaya dhamaan dhinacyada diriray ee dhalinyarada ah inay joojiyaan xabada , isla markaana maqlaan u dhego nuglaadaan dhagaystaan oo xushmeeyaan Waxgaradka Samatalis ah ee dedaalka ugu jira daminta shaqaaqadan oo ah mid aan caqli gal ahayn sinabana u ahayn wax la Filayey maanta, waxaan ku boorinayaa odayaasha inaysan dedaaladooda waxba la kala hadhin, oo ay xoojiyaan inay ka hortagaan in waxyeeladdu intaas inagu dhaafto, waxaan kaloo ugu baaqaya dhamaan waxgradka ka agdhaw inay deg deg u gaadhaan madasha si ay xoogaa, caqligooda iyo garashadooda saliimka ah ugu biiriyaan dedaalada nabadeynta labada Beelood ee walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay”