|

Xukuumada Somaliland Oo 16 Qof U Xidhay Dilkii Laba Askari Oo Lagu Toogtey Laascaanood

Laascaanood 20. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ka hadlay tirada dadka loo qaqabtay laba askari oo boolisa oo habeen hore lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, islamarkaana maalinkii aas qaran loogu sameeyay  magaaladaasi.

Wasiirku waxaa kale oo uu intaas ku daray in falka labada askari lagu dilay loo aaneynayo  inuu yahay mid argagixiso walina uu baadhitaankiisu socdo., waxaanu wasiirku sidan ka sheegay wareysi uu khadka telefoonka ku siiyay wargeyska Dawan.

 

“Dilkaasi waxaa uu ahaa mid argagixiso oo lala beegsaday xili habeenimo ah oo ay labada askari joogeen goob laga bixinayay kaadhadhkii codbixiyayaasha , waxaana dableydii dilka geysatay iyagoo baastoolado ku hubeysan wajigana soo duubtay ayay fuliyeen dilka labada askari, waxaana labadaasi askari ee qaranka ka baxay aas qaran loogu sameeyay  magaaladaasi, dad dhawr iyo toban qof ahna falkaasi waa loo qabtay”

Comments are closed