Haweenayda Madiga ku ah Golaha Wakiiladda oo Xogwaran ay Bixisay ku Iftiimisay Hababka Guracan ee Xukuumada Kulmiye Kaga Meel Marsato Golahooda arrimo iyaga dani ugu Jirto
Hargaysa 20. August 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Baar Siciid X. Faarax Waxay ka Mid tahay Xubnaha golaha Wakiiladda Somaliland ee Ku soo baxay doorashadii Sannadkii 2005-tii Iyadoo Golaha Wakiiladda ee la soo doortay ka soo gashay Gobolka Sanaag.
Xildhibaan Baar Siciid X. Faarax Waxay Maanta tahay haweenayda qudha ee Ku Jirta Golaha Wakiiladda inkasta oo Labadii Sanno ee u horaysay ay wehelinaysay Xildhibaan Ikraan X.Daa’uud oo laga soo doortay gobolka Awdal balse markii danbe u haajirtay dalalka Yurub midkood sidaasna kaga baxday Golaha Wakiiladda.
Xildhibaan Baar Siciid ayaa Xogwaran ay siisay barnaamijka baro oo ku dayo Muwaadinkaaga danta guud waxa weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegay ee uu soo saaro aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin ayaa ugu horayn ka hadashay halkii ay ku dhalatay iyo Meelihii ay ku soo barbaartay iyadoo tidhi ‘’Waxaan ku dhashay Gobolka Sanaag,waxaan wax ku soo bartay Isla Gobolka Sanaag sidoo Kale Waxaan u dhaxay isla Gobolka Sanaag’’
Waxaa kale oo Xildhibaan Baar Siciid ka hadashay Shaqooyinkii ay qaban Jirtay intii aanay Noqon Mudanaha ka tirsan Golaha Wakiiladda ‘’ Xaqiiqdii Markii hore waxaan ahaa Hooyo Guri Joog ah oo Korsata Caruur yar yar markii la qaxay ee dagaaladu dhulkan ka dhaceen shaqooyin badan Ayaan soo qabtay waxaana ka mid ahaa inaan ganacsi galay markii dalka lagu soo Noqdayna waxaan ka shaqayn jiray Ururada samo-falka, Aniga iyo ilaa 20 Haween ah oo kale waxaanu aasaasnay mid ka mid ah Ururada bulshada oo Xaruntiisu ahayd Magaaladda Ceerigaabo’’
Xildhibaan Baar Siciid waxaa kale oo ay iftiimisay Sababihii ku dhaliyey inay isu taagto ka qayb galka doorashadii golaha Wakiiladda ‘’Sidaan ka warqabno haweenka Somaliland waxay qabtaan ilaa hada shaqooyin badan iyagoo kaalin mug leh kaga jira horumarka dalka iyadoo haweenku waxtarkoodu aad u badan yahay ayaanay hadana ka Muuqanin Siyaasada markaas Ayaan go’aansaday inaan qayb ka noqdo Siyaasadda dalka oo cod ku yeesho taas oo aan mudo dheer ku hamiyi jiray waxaan galay Xisbigii Burburay ee Udub oo aan ka mid ahaa Aasaasayaashiisii isla xisbigaas Ayaan iska soo sharaxay waanan ku guulaystay alxamdulilaah’’
Xildhibaan Baar Siciid X. Faarax waxay Xogwarankan kaga hadashay oo kale inay Jiraan Wax iska Bedelay Fikirkii ay ka haysatay intii aanay Noqon Xubin Golaha Wakiiladda ka tirsan qaabka Baarlamaanka iyo Xisbiyadu ay u shaqeeyaan waxayna tidhi ‘’Kolay muddadii aan baarlamaanka ku jiray Xaalado kala duwan iyo dhacdooyin kala gedisan Ayaan ku arkay kuwaas oo aan filayay inaan la kulmayo isla markaana aan fikrad ka sii haystay inkasta oo Goluhu wada rag yahay marka aniga la iga reebo hadana waxay yihiin dad aanu wada dhalanay oo isku dhaqan aanu nahay,Sidoo kale Golahan aan ka tirsanahay waxa uu ka kooban yahay 82 Xubnood Sanadadii hore waxaa igu lamaanayd Xildhibaan Ikraan Xaaji Daa’uud hasa yeeshee duruufo dhacay awgood dhawrkii Sano ee u danbeeyay ayay golaha ka sii Maqnayd hasa yeeshee anigu waan u dhabar adaygay inaan ku sii Jiro Golahan aan ka tirsanahay ilaahayna wuu igu guuleeyay oo wax dhibaato ah kalamaan kulmin,Waxaa intaas soo raaca Golaha Guurtida Haweenay ayaa mar soo Gashay hasa yeeshee markii danbe way ka baxday inkasta oo aanan Sharaxi Karin Sababta ay u baxday Sidaas awgeed Maanta Labada Gole oo la isku Yidhaa Baarlamaan Keligay ayaa Wax Haween ah ku Jira Mana dareemo wax culays ah’’ ayay tidhi Xidhibaan Baar Siciid.
Baar Siciid Waxay Tilmaantay in Shaqada Golahoodu tahay inay soo saaraan Shuruucda uu dalku u baahan yahay inuu ku dhaqmo wax badana ay soo saareen hasa yeeshee waxay sheegtay in Mudooyinkii u Danbeeyay ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo culaysyo badan ay saartay golaha ay ka tirsan tahay ‘’Sida muuqa Waxaa Jirta Faragelin xaga Xukuumadda naga timaada taas oo keliftay in baarlamaankii la qaybiyo xaqiiqdii waa arrin aan wanaagsanayn oo intii golahan aan ku jiray nala soo dersay waxaad Moodaa in Sharciyadii lagu tumanayo kana hor imanaya distoorka qaranka,Waxaan ka Xumahay in Qayb ka mid ah Xildhibaanadu ay Xaq dhawri waayaan Sharciga inoo degsan,Waxaa nagu batay in Waxyaabo Masiirka ummada taabanaya in Xukuumada oo Xubno ka mid ah Golaha dabada ka riixaysa ay Tidhaa Duuduub halagu Meel mariyo waxaa taas tusaale inoogu ah Sidii loola dhaqmayay Mudanayaashii ka soo hor jeeday Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka ay Xukuumadani ka siisay Berbera wax aan wanaagsanayn ayay Dawladu halkaas ka dhigtay waxay laysay xubno Xildhibaano ah oo Xasaanad ku leh qaranka dhacdooyinkaasina waxay Sumad madow ku yihiin Qarankeena waxaa si ka soo hor jeeda Sharciga dalka la isugu daray Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiiladda iyadoo Ujeedadda keliya ee laga lahaa ay ahayd in Xukuumadu kaga xalaashato Golaha Sharci dejinta wax iyada dani ugu jirto ’’
Xildhibaan Baar Siciid waxay Sheegtay in Xisbiga Kulmiye markii uu Mucaaridka ku ahaa Xukunkii Dawladii Daahir Rayaale Hogaaminayay uu Wax badan ku hadlay kuna balanqaaday inay wax ka qabanayaan hasa yeeshee ay maanta u muuqdaan sida ay tidhi in balanqaadyo badan oo ay shacabka u sameeyeen ay beenoobeen ‘’Waxyaabo badan oo Xisbiga Kulmiye Markuu Mucaaridka ahaa uu ku hadlay oo duuban oo la helayo ayaa maanta noqday inay beenoobaan way baro dhaafeen dawladii Rayaale, Sharciyadii ayaa si cad loogu tuntay iska dhaaf balanqaad la fuliyo’e tii Somaliland ku heshiisay ayaa daw daro lagu sameeyay ilaahay lagama quusto waxaa la yidhi hadaad wakhti xun aragto waxaa ka danbeeya wakhti wanaagsan Markaa inshaa allaah wax wanaagsan ayaa ka danbayn doona oo inaga maydha Wixii Kulmiye dalka iyo dadkaba baday’’ ayay Tidhi Xildhibaan Baar Siciid.