‘’Waa Nasiib Daro Xinif oo Malcaamad Qur’aan Macallin ka ahaa oo aan Xitaa Iskuul Gelin Isagoo aan CV lahayn in laga Dhigo Agaasime’’ Xildhibaan Mubaarik Bidhi DAAWO
Burco 19. August 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Mubaarik Bidhi oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Magaaladda Burco ayaa Jawaab ka bixiyey Weedho Shalay ka soo Yeedhay Agaasimaha Maamulka ee Komiishanka la tacaalida Cudurka Aids Cabdi Kariin Xinif.
Agaasimaha muumulka xakamaynta AIDS-Ka ee Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed ( Xinif ), ayaa ku tilmaamay dawladnimadii Somaliland inuu ku yimi jileec iyo habacsanaan dhanka maamulka ah.
Mas’uulkan oo ka tirsan xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa si adag u sheegay in arintaas la hubo, waxaanu musharax Muuse Biixi ku tilmaamay mid nidaamka dalka ku adkaan doono. waxa uu masuulkani arimahan ka sheegay xaflad taageerayaal lagu soo dhawaynaayay xisbiga Kulmiye oo uu fadhiyo musharax Muuse Biixi.
Agaasimaha muumulka xakamaynta AIDS-Ka ee Somaliland Cabdikariin Xinif ugu horayntii waxa uu yidhi ”Kala danbayntii iyo nidaamkii dawladnimo jileec ayaa galay,sababtu waxay doonto ha noqoto, waa la hubaa, waa xaqiiq.”
Hadaba Xildhibaan Mubaarik Bidhi oo Shir Jaraa’id Maanta Ku qabtay Magaaladda Burco ayaa Qadaf ku tilmaamay Weedhan ka soo yeedhay Cabdi Kariin Xinif.