Xukuumada Shiinaha oo Madaxweyne Donald Trump Ku Eedeeyay inuu Khal Khal Gelinayo Ganacsiga Labada dal ka dhexeeya
China 18. August 2017 (SDN/QJ):- Afhayeen sare oo u hadashay wasaarada arimaha dibada ee Shiinaha Miss: Jiin ayaa ku eedeysay in maamulka madaxweyne Donald Trump carqalad iyo khalkhal la damacsan yahay xidhiidhka ganacsi ee labada dal ka dhaxeeya, iyadoo xustay in Shiinuhu difaacan doono danihiisa ganacsi.
Miss: Jiin waxa ay intaasi raacisay in madaxweyne Trump isku xidhayo ganacsiga wadankiisu la leeyahya Shiinaha iyo xiisada colaadeed ee ka dhaxaysa waqooyiga kuuriya iyo dalkiisa, iyadoo cadaysay in xukuumada Bikiin kaalin xoogan kaga jirto sidii gobolka oo dhan nabad iyo xasilooni loogu wada noolaan lahaa.
Arintan waxa ay ka dambeysay markii madaxweyne Doonal Trump, ku amray Shirkadaha maraykanka ee ku sugan dalka Shiinaha in ay la wadaagin wado tashi dhinaca Teknoolajiyada ah khubarada Shiinaha isla markaana sheegayna in uu cashuur dheeraad ah kuĀ soo rogi doono alaabta Shiinaha ka timaada.