|

‘’Midab Takoorku Waa Shar Kuwa Qaska Iyo Rabashadaha ka wada Maraykanku Waa Munaafiqiin aan Weji ku lahayn dalkan’’ Madaxweyne Donald Trump

Washington 16. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Trump ayaa ka hadlay  rabshadaha ka cusurinimada ku salaysan ee ka socda gobolka Virginia, wuxuu sheegay inuu midab-takoorku yahay shar ummaddaha kala kexeeya.

Wuxuu dambiilayaal ku tilmaamay kuwii masuulka ka ahaa fowda iyo qaska, Trump wuxuu  magaacbay ururo ay leeyihiin caddaanku oo cunsurimo ku caan baxay.

Haweenay 32 jir ah ayaa ku dhimatay 19 kalena way dhaawacmeen ka dib markii uu gaadhi jiidhsiiyey nin caddaan ah  oo cunsuri ahi, dad mudaharaadayey.

Ugu yaraan saddex qof ayaa loo xidhay dhacdadan, waaxda caddaalada ayaa baadhitaan ku haysa cida dambigan ka dambaysay. Madaxweyne Trump ayaa si weyn loogu cambaareeyey in aanu si gaar ah farta ugu fiiqin cida dhibta keentay, oo ay ugu horreeyaan caddaanka cunsuriyiinta ahi. Balse markii uu ku soo noqday aqalka cad ayuu si cad uga hadlay wixii dhacay, isaga oo ku tilmaamay kuwa qaska iyo rabshadaha ka wada maraykanku inay yihiin munaafiqiin aan wax weji ah ku lahayn Maraykanka.

Madaxweyne Trump wuxuu tacsi u diray haweenaydii ku geeriyootay shilkan iyo laba sarkaal oo boolis ah oo ku dhintay diyaaradd nooca qumaatiga u kaca ahayd oo  burburtay iyada oo ka qaybqaadanaysay dejinta xiisad goobta ka alloosnayd.

Comments are closed