|

Shaqooyinka ay Somaliland ka qabato Ururka Bisha Cas,Xiligii ay Somaliland ka hawlgashay Iyo Xogwaran uu Gudoomiyaheedu Bixiyey

Hargaysa 15. August 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Ururka Bisha Cas ee somaliland Axmed Cabdi Bakaal ayaa si Xeel dheer uga warbixiyey Shaqooyinka ay Hay’adani qabto iyo Waxyaabaha loo aasaasay.

Ururka Bisha Cas ee Somaliland Wuxuu la Bilaabmay Xiligii Ingiriisku Maamulayay Somaliland iyadoo dhinaca Somalia aanu ka Jirin Ururkani hasa yeeshee Somaliland waxaa Xiligaas ka Jirtay oo ka furnayd Laanqayrta cas Waxaana aasaasay oo madax ka ahaa Aqoon yahan Siciid Gees oo ah Aabaha Dhalay Prof Maxamud Siciid Gees Iyadoo Markii ay is raaceen Somaliland iyo Somalia uu Siciid Gees ka furay Magaaladda Muqdisho Xafiiska Bisha Cas Sidoo kale dadkii soo maamulay Ururkani waxay ahaayeen Muwaadiniin u dhalatay Somaliland Sida uu Sheegay Gudoomiye Axmed Cabdi Bakaal.

 

Hadaba Gudoomiyaha Ururka Bisha Cas ayaa Xogwaran Dhinacyo badan leh oo uu siiyay Soo saaraha Barnaamijka Baro oo ku dayo Muwaadinkaaga danta Guud waxa weyn Ka soo qabtay Rubuc qarnigii Tegay ee Haldoor Rashiid Sulub Caalin waxa uu Ku sharaxay Asbaabihii Keenay aasaaska Somaliland ee Ururkan

Axmed Cabdi Bakaal Gudoomiyaha Ururka Bisha Cas ee Somaliland ayaa ugu horayn Waxa uu Ka Jawaabay Su’aal ahayd inuu inoo sheego Goortii uu dhashay, Halkii uu ku dhashay,Meelihii uu Wax ku soo bartay iyo Deegaamadii uu ku soo barbaaray waxaanu Yidhi ‘’ Kolay anigu Waxaan ku dhashay Magaaladda Arabsiyo 1956 Waxaan Iskuulka Hoose ka Bilaabay Allay baday halka Dugsiga dhexe aan ka galay 1969 ayaan ka galay Iskuulka Qalax ee Magaaladda Gebilay,Dugsiga Sare waxaan ku dhamaynay Mudo Laba sanno ah, Markii danbe Waxaan Galay Jaamacadii Lafoole iyadoo naloo Tababaray Macallinimo,Markii aan Jaamacada ka soo baxay Waxaan Macallin ka noqday Magaaladda Muqdisho mudo sadex sanno ah hadana Jaamacada Ayaan dib ugu Noqday Waxaan si rasmi ah Jaamacadii Lafoole uga baxay 1980-kii, Dugsiyada sare ee Muqdisho Ayaan Macalin ka noqday hasa yeeshee 1983-kii Ayaan ka tegay Shaqadii Macallinimo Waxaan u Tacabiray dalka Sucuudiga waxaan ku soo Noqday Magaaladda Hargaysa waxaan ka shaqo galay hay’ada Care waxaan madax ka ahaan jiray Qaybta Raashinka ee Qaxoontiga ee Berbera ee hay’adaasi maamuli jirtay waxaan Hay’adaas la shaqaynayay ilaa 1988-kii,Waxaan ka mid ahaa dadkii Somaliland ka soo Jeeday ee Taliskii Siyaad bare Xidhay ee ay u dooday Hay’ada Amnesty International kuna guulaysatay in nala soo daayo Waxaan Markaas la Midoobay Qoyskaygii oo ku sugnaa Xeryihii Qaxoontiga ee Itoobiya Markii dalka la soo galay waxaan mar kale ka shaqo galay Magaalada Berbera anigoo shaqo ka helay Hay’ada Laanqayrta cas waxaan Laanqayrta Cas u shaqaynayay 1991-kii Ilaa 1994-kii,Markii danbe waxaan u wareegay Hay’ad la odhan Jiray Uni-som Xafiiska Berbera Ayaan madax ka ahaa Markii Madaxweynihii Xiligaas Marxuun Maxamed Ibraahin Cigaal uu Hay’adaas dalka ka saaray waxaan mudo sannad ah la taliye u ahaa hay’ad Norway laga leeyahay,Sanadkii 1996-kii ayaa la sameeyay Xafiiskan Guud ee Bisha cas ee Somaliland oo hargaysa laga furay iyadoo markii hore Gobol Waliba gaarkiisa uu u shaqayn Jiray,Waxaa Gudoomiye u noqday alle ha u naxariistee Marxuun Cali Jirde waxaa la ii doortay inaan Gudoomiye Ku Xigeen u Noqdo Cali Jirde Markii uu Geeriyooday Cali Jirde aniga ayaa la Wareegay Xilkiisi Sidaas Ayaan ilaa maanta ku hayaa Gudoomiyaha Hay’ada Bisha cas ee Somaliland’’ ayuu Yidhi Axmed Cabdi Bakaal.

Mr Axmed Cabdi Bakaal Waxa uu Iftiimiyay sidii uu Ku Yimid inay Dunnida ku baahaan Labadan Urur ee Bisha Cas iyo Laanqayraha Cas iyo Mabaa’diida ay ku Taagan Yihiin Isagoo Yidhi ‘’Horta Hay’ada Bisha Cas iyo Laanqayrta Cas waa laba hay’adood oo isku lamaan Waxay Laanqayrta Cas ka dhalatay dalka Switzerland oo dagaal ka dhacay Wakhti hore ayaa waxa uu nin ku arkay dad gaadhaya 4 Kun oo Qof oo dhaawac ah oo cid u shaqaysa oo daawaysa aan haysan Wuxuu Ninkii ku dadaalay sidii uu dadka dhaawac ah gargaar deg deg ah ugu samayn lahaa markii uu ninkaasi dadka intaas le’eg u shaqeeyay ayaa waxaa halkaas ka bilaabmay Fikir Wuxuu sameeyay Gudi waxaana sidaas ku aasaasantay Laanqayrta Cas astaanta Laanqayrta Cas ma aha Calaamad Kiristaan balse waa Calanka Switzerland oo la Kala rogay Dhinaca kale Bisha cas waxaa sameeyay Dalka Turkiga oo halkii uu Laanqayrta cas kaga biiri lahaa ayuu sameeyay astaanta Hay’adan waxaanu isaguna kala rogay Calankiisii Isu taga Labadan Hay’adood waxaa Maanta ku jira laba Boqol oo dawladood oo caalamka ah dalkii ugu danbeeyay ee Ku biira waxa uu ahaa Koonfurta Sudan Marka ay Somaliland aqoonsi hesho Inshaa allaah Wasaaradeena arrimaha dibadda ayaa u qoraysa in la citiraafo bilaha iyo laanqayraha cas Waxaanu Ururku ku diiwaangashnaanayaa Ururka Bisha Cas ee Somaliland,Waxaa lagu Xidhaa Marka Ururka la aqoonsanayo Toban Qodob dhamaanba qodobadaas waanu buuxinay marka laga reebo in dalka la citiraafo,Dhamaanba 200 Boqol ee dal ee Xubnaha ka ahi waxay ku shaqeeyaan 7 Qodob oo kala ah Aadmi-nimo,Dhex dhexaadnimo,Eexasho la’aan,Madax bannaani,Mutadawacnimo,Midnimo Iyo Caalami-nimo,Waxaana Xarunteeda Guud ku taala Magaaladda Geneva‎ ee dalka Switzerland’’ ayuu Yidhi Gudoomiye Bakaal.

Mr Bakaal waxaa Kale oo uu faahfaahin ka Bixiyey Shaqooyinka ay qabato Bisha Cas waxaanu Yidhi ‘’Wuxuu Ururkani ka Jiraa Lixda Gobol ee waaweyn ee Somaliland iyo ilaa 45 Degmo iyadoo dadka ka shaqeeya ay yihiin Mutadawiciin,waxa uu leeyahay Xafiisyo,Shaqaale iyo Gaadiid kala duwan ayuu ku leeyahay,waxaa ugu weyn ee aanu qabanaa waa dhanka caafimaadka anagoo leh Gaadiid Ambalaasyo ah oo wareega isla markaana bulshada u fidiya adeeg Caafimaad Kuwaas oo Shan Cisho ku maqnaada Goobaha ay adeega ka bixinayaan labada Cisho ee soo hadhayna ku qaata wixii agab ah ee hawl galkoodu u baahan yahay,Sidoo Kale waxaanu wadnaa 21 Xarun Caafimaad oo deegaano ku yaala’’ ayuu Yidhi Gudoomiyaha Xafiiska Bisha Cas ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal.

Waxaa kale oo uu Xogwarankan oo aad u dheer ku sharaxay Waxqabadyadii kala duwanaa ee Ururka Bisha Cas ka Fuliyey Somaliland Muddadii ay dalka ka hawlgalayeen,Iyagoo soo saaray arday badan oo maanta ku shaqeeya Gargaarka deg dega ah,halka ay sidoo kale soo saareen xirfad yahano aqoon kala duwan ka kasbaday.

Comments are closed