|

Khilaafka Golaha Wakiiladda ee u Dhexeeya Mudane Baashe Maxamed Faarax Iyo Xildhibaan C.raxmaan Maxamed Talyanle iyo Dood Xiiso badan DAAWO

Hargaysa 14. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaa 6 Bishan aynu Ku Jirno ee August uu Golaha Wakiiladda Somaliland yeeshay fadhi uu ku dooranayay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda Kadib Markii uu Xilkaasi baneeyay Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo Mudo 12 Sano ah soo ahaa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland.

Natiijadii Shirgudoonkii Maalintaasi hagagayay Shirkaasi uu Shaaciyey ayaa sheegay inuu 39 Cod ku Guulaystay Mudane Baashe Maxamed Faarax oo Sidaasi ku noqday Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda iyadoo Murashixii la Tartamayay Mudane C.raxmaan Maxamed Talyanle uu helay 38 Cod waxaana isla fadhigaas ku hambalyeeyey Guusha Mudane baashe Xildhibaankii la Tartamayay.

Hasa Yeeshee Saacado kadib ayaa Xildhibaan C.raxmaan Maxamed Talyanle Waxa uu Shaaciyey inuu isagu yahay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Helay 39 Cod waxaanu soo bandhigay Muuqaalo iyo Sawiro muujinaya in Isaga Guushu raacday.

Inkasta oo Dacwad ka dhan ah Cod u qaadistaasi uu Maxkamada Sare u Gudbiyey Xildhibaan Talyanle hadana Natiijadii dacwadaasi ayay Maxkamadu sheegtay in Golaha Wakiiladu uu ku saxo Khaladaadka ay kala tirsanayaan Nidaamka uu jideeyay Xeer hoosaadkooda.

Sidoo Kale Waxa la Magacaabay Gudi laba dhinac ah oo xal ka gaadha xiisada ka abuurantay doorashada Gudoomiyaha Sharciyadiisa lagu muransan yahay.

Comments are closed