Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Somaliland Maxamed Ilkacase & Shan Digreeto Madaxweyne (2255 Maalmood) Iyo Sababaha ka Danbeeya Marba in Wasaarad loo bedelo DAAWO
Hargaysa 14. August 2017 (SDN/QJ):-Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Beeraha, Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), waxa Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku magacaabay shan digreeto oo kala gedisan, toddobadii sannadood ee xukuumadda KULMIYE talada haysay.
Waxaan aaminsan nahay in shantaas xil ee uu qaranka ugu soo adeegay (Laba Kun, Laba Boqol iyo Shan iyo Konton) maalmood (2255) oo u dhiganta 7 sannadood inuu shaqooyinkaas kala duwan uu waayo-aragnimo ka kasbaday oo aan wasaaradihii uu soo maray midna looga sheekaynayn waajibka ay qaranka u hayaan.
Waxaan ku xasuustay shantan xil ee uu soo maray Maxamed Ilkacase, dhambaal tacsi ah oo uu caawa u dirayey qoyskii uu ka baxay sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Kalluumaysiga oo maanta ku geeriyooday Hargeysa oo ALLE ha u naxariistee la odhan jiray Marxuum-Zaam Cumar Geeddi, oo uu agaasime ugu ahaa xilligii uu joogay wasaaradda Kalluumaysiga.
Ma caddeyn karo,laakiin dadka qaar ayaa aaminsan inuu wasaaradaha qaarkood ay is khilaafeen wasiirradii ay wada shaqeynayeen.