|

Xukuumadda Oo Sheegtay In Muuse Biixi Oo Keliya Fulin-karayo Ballan-qaad Uu Musharraxa WADDANI U Sameeyay Ciidammada Qalabka Sida Ee Somaliland

Hargaysa 14. August 2017 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka dareen-celisay Ballan-qaad uu Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u sameeyay Ciidammada Qalabka sida.

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro oo Toddobaadkan hadal ka jeediyey Munaasibad uu Xisbigiisu qabsaday, ayaa sheegay haddii uu ku guuleysto Doorashada Madaxtooyada ee soo socota uu Ciidammada Qalabka sida oo dhan u dhisi doono Guryo ay ku noolaadaan, Mushaharkana u kordhin doono Boqolkiiba Laba Boqol iyo Konton.

Laakiin, Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo Shalay la waydiiyey siday u aragto ballan-qaadka uu Ciidammada u sameeyay Musharraxa WADDANI, ayaa sheegtay in ballan-qaadkaasi yahay wax Caqliga ka fog oo aanu fulin karin Qof aan Askarinimo soo marin.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Jaamac Cabdillaahi (Biin) oo ka jawaabaya Su’aal Weriyeyaashu ka waydiiyeen siday Xukuumad ahaan u arkaan Ballan-qaadka Cirro u sameeyay Ciidammada ayaa yidhi  “Waa Arrin layaab leh Faro-gelinta Ciidanka iyo Mushahar sheegistiisu waa Arrin Adag.”

Jaamac-Biin waxa kale oo uu sheegay “Guryo ayaan u dhisayaa (Ciidanka), Barnaamijkiisa inuu ku daro ayay ahayd, ee inuu hadal uu meel ka yidhi ku daro ma ahayn. Hadalkaa waxaad mooddaa hadal uu iskaga laaluushayey Ciidammada oo uu isku dirayo Ciidammada, Xukuumadda iyo Ummadda Dalka, laakiin waxaanan Dan uga lahayn (Hadalkaa Cirro) Ciidammadeennu Siyaasiyiin weeyaan, in badan bay soo jireen, waxa loo qaban karo way garanayaan, Mutacalimiin bay leeyihiin, Saraakiil Sar-sare ayay leeyihiin, Xitaa kuwaa Jiidaha dagaalka joogaa waxay u jabsan yihiin Dalkooda Dakhliga ka soo baxa iyo waxa laga siin karo, markaa in hadalkaa la yidhi Olole yahay way arkaan, hadalkaasina Hadal Olole weeyaane Hadal waxqabad maaha, mana qabanayo oo wax aan Suurto-gal ahayn weeyaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Haddii mid qaban karo, Muuse Biixi ayaan qaban karaya, Waayo? Isagu waa Nin Ciidan ah oo iyaga ayuu ku dhisi karaa Guryaha (Iskaa wax u qabso), laakiin Safiirku (Cirro) Guryo Ciidan ma yaqaanno.”

Wasiir ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Dalka ee Wasaaradda Arrimaha guduhu wuxuu sheegay in aanay Cirro u wanaagsanayn inuu shaaciyo Qorshayaashiisa waxqabad, “Guryo waanu u dhisi karnaa Ciidanka Caawa, laakiin waxay u baahan tahay Go’aan Ciidan. Muuse wixiisa wuu qarsanayaa oo wuxuu qabanayo sii sheegi maayo, imika haddaanu Annagu (Xukuumaddu) ka hor qabanayo (Cirro) ka warran (Oo Ciidanka Guryo u dhisno/Mushaharkana u kordhinno), sow ismuu fashilin. Arrimaha Qayrul-macquulka ah ee aad doonayso inaad samayso waalla qariyaa marka Siyaasadda lagu jiro..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu is-waydiiyey halka Cirro ka keenayo Dhaqaalaha uu ku fulinayo ballan-qaadyada uu Ciidammada u sameeyay “Halkuu ka soo qaadayaa Miisaaniyadda uu Ciidanka Boqolkiiba Laba Boqol iyo Konton ugu kordhinayo Mushaharka.”

Comments are closed