|

Muuse Biixi Oo Kaftan Siyaasadeed Ku Karbaashay Wasiirro Iyo Xildhibaano Waftigiisa Ka Mida Si Gaar Ahna U Bar-tilmaameedsaday Qabo, Obama Iyo Cali Guray, Muxuuse Ka Yidhi Maxamuud Xaashi Iyo Calli Mareexaan?

Oog 13. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ahna Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa mid mid kaftan duur-xul ah ugu hurgufay siyaasiyiin iyo wasiirro ka mid ahaa Waftiga Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda ee socodka ku maraya Gobolada Bari ee Somaliland wakhti ay cagtooda safarkaasi mid ka mid ah ku marayeen Degmada Oog oo taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ay kula hadlayeen goob fagaare ah isaga oo si gaar ah u bar-tilmaameedsaday Wasiir Qabo iyo Xildhibaan Obama oo ka tirsanaa xubnaha uu Guddoomiyuhu kaftanka qosolka badan dhaliyey ku karbaashay.

Kaftankan duur-xulka ah oo dadweynihii fagaarahaasi isugu soo baxay aad uga qosliyey ayaa yimid markii Guddoomiyaha ahna Musharraxa Madaxweyne ee KULMIYE u kacay khudbaddiisii uu fagaarahaasi ka jeedinayey isaga oo mid mid waftiga la socday u barayay dadweynaha reer Roog, barashadaasi oo uu raaciyey kaftan siyaasadeed iyo mid shakhsi oo gaar ah, hadallada kaftanka ah qaarna macno weyn xambaarsanaayeen.

Muuse Biixi ayaa inta uu xaggiisa dambe Jalleecay waxa uu mid mid u tiriyey waftiga xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ka koobnaa ee uu Hogaaminayay isaga oo magacyadooda iyo naanaysahooda mid mid isu dul taagay mid walbana laba ama saddex erey oo kaftan ah oo dheeraad ah u laqimay.

Marka laga Yimaad Bidaarihii Wasiir Galaal, Wasiir, Qabo iyo Mujaahid Cali Guray waxa uu duur xul siyaasadeed kula kaftamay Xildhibaan Obama iyo Qabyo tire oo uu ku tilmaamay rag dagaal adag hore u soo dhex maray balse markii uu ka guulaystay ay maanta isaga ku daba fayshan yihiin halka uu Cali Marreexaan ku tilmaamay siyaasi dhallinyaro ah oo uu ku faanayo.

Hadalladii Muuse Biixi Kula Kaftamay Wasiir Faratoon, Maxamuud Xaashi, Galaal, Cali Marreexaan, Qabo, Cali Guray iyo Xildhibaan Obama waxa ka mid ahaa:

“Wasiiru dawlaha Caafimaadka weeyi Kani Maxamed Jaamac Galaal. Waa macruuf, waxa uu ka soo jeedaa qoys wada abwaanno ah oo wada waddaniyiin ah. Waa nin Ingiriiska ku koray haddana haddii aynu imika makarafoonka u dhiibno illaa caawa gabyaaya. Reer Galaal sidooda u daa iyaga. Hore ayaan u dhaafayaa waxaa ku xiga Wasiirkii Daakhiliga Faratoon, waa nin gaaban, Profesoore bal is yar taag waad gaaban tahee reer Oog haku arkaane. Waxa ku xiga Maxamuud Xaashi, isagu waa laangadhe Macruuf. Isaga waan dhaafayaa. Halkan waxa ku jira Wasiir qabyo-tire. Waa nin timo dheer leh. Waa Wasiirka Qorshaynta. Waa dagaalyahan. Qabo waa dagaal-yahan. Berigii doorashada Golayaasha deegaanka ee dawladaha Hoose la soo saarayay waxa uu ahaa Xaqsoor oo waannu iska soo hor-jeednay. Waxa uu ahaa raggii madaafiicda kulul nagu ridayay. Qorigii inta aannu imika daminay ayuu cadawga ku ridayaa. Waxa ku xiga Wasiirka Hawlaha Guud, waad garanaysaan oo waa Cali Marreexaan. Nin dhallinyaro ah intii uu Wasaaradda iyo Baarlamanka ku jirayna waxqabadkiisu muuqdo oo aad daawateen Maashaa Allaah, waa nin siyaasi ah oo xilkiisii ka soo baxay. Waxa ku xiga!! Ma Obaama ayaan idhaahdaa. Waa Maxamed Cali Xirsi oo Abaama loo yaqaano. Waa xildhibaan Golaha wakiilada ah oo ay dhallinyaradu la jeclaatay Obaama. Abaama maxaa loogu bixiyey?!!. Waan sheegaynaa. Waa taariikh weeyi. Abaama isaga oo dhallinyaro ah oo aad u yar 10 sano ka hor ayuu xildhibaan noqday. Markii uu xildhibaan degdeg u noqday ayuu koodh toshay iyo taay oo uu yidhi wallaahi tani way yar tahaye Madaxweyne-nimadana isku qaad. Wuu isku kaayo qaaday. Cirkaa inta aanu u qaadnay ayaanu madaxa dhulka ugu dhufannay. Waxaan ku hambalyaynayaa maalin qudha muu xanaaqin oo muu odhan KULMIYE waa la igu jilciyey, koone walba waanu ka garaacnay, dhulkaanu dhignay, isaga oo dhishibiliin wanaagsan ayuu yidhi KULMIYE iyo cid walba oo la dooranayo waan ku daba fayshanahay oo markaygaan sugayaa. Tababarkaasuu ka soo baxay. Waxa ku xiga oo aad halkaa ka arkaysaan waa Mujaahid weyn oo isaguna sidaa Qabyo Tire Timo weyn leh oo aad u timo dheer oo Magaciisa la yidhaahdo Cali Guray oo ay dhallinyarada ka saaxiib yihiin Faysbuugga. Markaa waxaan la yaabay!! Waa oday weyn oo Bidaar leh oo Cirro leh haddana dhallinyarada ayuu kula cartamaa Faysbuugga. Da’dayada intaasi ayuu dheer yahay. Aad iyo aad buu u mahadsan yahay”. Ayuu yidhi Musharrax Muuse Biixi Cabdi.

Comments are closed