Midowga Yurub oo Fadhi deg deg ah ka Yeelanaya Isniinta Beri Hubka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi
Brussels 13. August 2017 (SDN/QJ):- Dalalka Midowga yurub ayaa kulan degdeg ah ka yeelanaya mushkilada saanada nuclier-ka ee Kuuriyada Waqooyi.
Warbixin ay soo saartay haweenayda madaxa ka ah siyaasadda Arimaha Dibada ee Midowga yurub Vidirka Mogareti ayaa lagu sheegay in maalinta isniinta ee beri ee soo socota ay safiirada dalalka midowga yurub kulan aan caadi ahayn isugu iman doonaan Magaalada brusseles, kaas oo si weyn loogu eegayo mushkilada ka soo cusboonaatay xiisada hubka nuklier-ka iyo gantaalaha ridada dheer ee Kuuriyada waqooyi.
Gudiyada arimaha siyaasadda iyo ammaanka ee Midowga Yurub ayaa si gaar ah uga wada xaajoon doona talaabooyinka suurogalka ah in la qaado iyo sidii looga sii gaashaaman lahaa xaalad kasta oo soo kordhi karta.