Sidee AyaadUga Ilaalin Kartaa Madax Cuncunka Badan !
Hargaysa 11. August 2017 (SDN/QJ):- Ubadka yar yar ee ka cawda cuncun ka halleela madaxa ayey dhakhaatiir caddaysay inay sabab u tahay Toxobta ku dhalata Timaha Carruurta.
Waxa kale oo jira sababo keena dhibaatadaasi Bacteria yar oo magaceeda la yidhaahdo Malacca waxaanu ku dhashaa madaxa intiisa hore waana arrinta keenaysa in ilmahaaga yari had iyo jeer madixiisa uu gacanta kula jiro ama uu cuncuno, sidoo kale in unnugyada sii daaya Saliida ee ku yaalla madaxa intiisa hore ay sii daayaan salliid aad u badan ayaa sababi karta cuncunkaasi.
Haddaba, waxa dhibaatooyinkaasi lagaga hor tagi karaa in kahor inta aan ilmaha yar madixiisa la meydhin loo adeegsado burushka lagu feedho timaha iyo in ilmaha madixiisa lagu meydho Shaambo isticmaalkiisa lala kaashado Dhakhaatiirta iyo in ilmaha hal nooc oo shaambooga ka mid ah loo daayo oo aan marba nooc madixiisa lagu meydhin, sidaasi ayey marrar badan dhakhaatiirtu ku dardaaraan waalidka si aanay ubadkoodu uga caban madax cuncunkaasi.