|

Xildhibaan C.raxmaan Talyanle oo Soo Bandhigay Magacyada Iyo Saxeexa 39-kii Xildhibaan ee u Codeeyay inuu Noqdo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, Kana Hadlay Xaalada Golaha Wakiiladda Iyo Dacwadii uu Maxkamadda Distooriga ah u Gudbiyey DAAWO

Hargaysa 10. August 2017 (SDN/QJ):- Mudane C.raxmaan Maxamed Talyanle oo ahaa Murashixii la Loolamayay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Muranku ka taagan yahay Sharciyadiisa ayaa Saxaafada u soo bandhigay Magacyadda iyo Saxeexa 39-kii Xildhibaan ee isaga u Codeeyay inuu noqdo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland.

Mudane Talyanle Waxa uu xusay in aanu ka hor dhacaynin Go’aanka ka soo baxaya Maxkamadda Distooriga ah ee Somaliland oo uu u Gudbiyey Dacwad ku saabsan doorashadda Gudoomiyaha golaha wakiiladda Waxaanu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inay Xoog u adeegsanayso Sidii Mudane Baashe Maxamed Faarax u ahaan lahaa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland.

Comments are closed