|

Suudaan: Dumarka Oo Is-caddayntii Ku Daray Is-naaxin, Daawada Ay Cunaan Iyo Halisteeda

Khartoum 10. August 2017 (SDN/QJ):- Dalka Suudaan waxaa caan ka ah isticmaalka waxyaabaha dumarka jidhkooda ku caddeeyaan ama ay midabkooda ku dooriyaan, balse waxaa hadda aad u soo kordhaya in ay isticmaalaan kaniino lagu cayilo ama Naaxo.

Dumarka dalka Suudaan waxa ay u arkaan in cayilnaantu tahay quruxda kama dambeysta ah ee qof dumar ah yeelan karo.

Suuqa Madow

Si ka duwan dawooyinka lagu iibiyo farmasiiyada ay joogaan shaqaalaha caafimaad ee tababaran, kaniinadan lagu naaxo ama Cayilo ayaa waxa laga helaa Tukaamada iyo macdaarrada caadiga ah ee badeecadaha kale lagu iibiyo.

Kiniinadan oo loo iibiyo si tafaariiq ah, ayaa waxaa dadka loogu ridaa bacaha caadiga ah, mana jiro wax qoraal ah oo ka digaya halista uu yeelan karo oo dushiisa ku qoran.

Waxa ay kiniinada isugu jiraan kuwa fura cuntada (Amateedka), iyo xitaa kuwa caawiya hoormoonada korriinka jidhka.

Waxa sidoo kale dawadani ay kordhisaa qaadashada biyaha, waxayna ugu dambeyn horseeddaa in qofka uu ka Naaxo ama Cayilo qaarka dambe iyo waliba wejiga.

Halis Caafimaad

Dawadan waxa ay dhalin kartaa halis caafimaad oo aad u badan, waxaana ka mid ah wadne xanuun, iyo waliba kalyo xanuun haddii aanan si nidaamsan loo qaadanin, sida uu sheegayo Dr. Salah Ibraahim oo ah madaxa ururka farmasiiyada Suudaan.

Waxa uu intaasi ku daray in haddii qofka jidhkiisa uu kaniinka la qabsado, hadhowna iska daayo qaadashadiisa, in xubbintii jidhka ay shaqada joojineyso, taasina ay halis badan qofka naftiisa galin karto.

Quruxdii Geerida

Waxaa soo kordhaya dumarka da’da yar ee Suudaan ee u geeriyoonaya xanuunada wadnaha iyo kalyaha, sababtuna ay tahay in ay joojiyeen qaadashada kaniinka si lama filaan ah.

“Dumarka waxa ay ka xishoonayaan in ay kiniinada ka iibsadaan farmasiiyada, sababtoo ah waxa ay ka baqayaan in la ceebeeyo ama ay ceeboobaan, sidaasi darteed waxa ay ka iibsadaan Tukaamada yaryar” ayay tidhi gabadh Ardayad ah oo Suudaan ku sugan.

Geerida waxa ay ku badan tahay gabdhaha arooska galay, maaddaama bil ka hor inta ayna arooska galin ay aad u cunaan kiniinka si ay u naaxaan, Arooska kadibna ay iska dhaafaan isticmaalka kiniinka.

Balse, sidaasi oo ay tahay weli dhaqankan la isku cayilanayo ayaa si xad dhaaf ah u sii socda.

Kiniinka Shaaha Lagu Daro

Dhanka kale, qaadashada kiniinada sharci darada ah ayaa aad ugu badan Suudaan oo bulshadu tahay mid dhawrsoon, sababtuna waxa ay tahay in dadka khamriga cabba ama xashiishadda cabba ay urtooda isaga baabi’iyaan marka ay bulshada dhexgalayaan.

Dadka shaaha ku iibiya dariiqyada agtooda ayaa qofka ugu dara koobka shaaha ah kadib markii si dadban looga codsado.

Ardayda jaamacadaha Khartuum ayaa si baahsan u iibsada kiniinka xanuun baabi’iyaha ah ee Tramadol loo yaqaano, kaasi qiimihiisu yahay $1.8 halkii xabbo

Wacyigalinta

Dedaalada dadka lagaga wacyigalinayo halista dawadan ayaanan wali wax saamayn ah yeelanin, iyada oo Dr. Saalax Ibraahim uu dhawr jeer kasoo muuqdey Telefiishannada Suudaan isaga oo dadka uga digaya halista kiniinkani leeyahay.

Jaamacadaha arday caafimaadka waxaa lagu baraa anshax dhaqameedka iyo siyaabaha wanaagsan ee sharciga waafaqsan ee dadka looga iibiyo dawooyinka.

Balse, Suudaan oo mushaharka la siiyo dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadku uu aad u yaryahay , waxaa aad u badan dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka kale ay suuqa madow ku iibiyaan kaniinadan noocan ah ee macaashka laga helo.

Booliiska ayaa la tacaalaya sidii ay oga hortagi lahaayeen ka ganacsiga sharci darada ah ee dawadan, balse macaashka laga hela oo aad u badan awgeed, ayaa waxbo laga qaban la’yahay.

Inkasta oo Suudaan ayna ahayn dalka kaliya ee Afrika ee cayilnaanta dumarka ay qurux ka tahay, balse waa dal aad dumarka loogu amaano, looguna bogaadiyo cayilnaanta iyo caddaanka, waxaana tusaale u ah gabadha heesaaga ah ee lagu magacaabo Nada Algalaa.

Comments are closed