|

Maxkamadda Sare Oo Dersaysa In Dacwadi Ka Dhalan Karto Khilaafka Ka Taagan Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada

Hargaysa 09. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa Xaqiijiyey in Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed (Talyanle) uu u soo gudbiyey Dacwad la xidhiidha inuu ku guuleystay Doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, oo uu isagu yahay Guddoomiyaha Rasmiga ah ee Golahaasi.

Fadhigii Axaddii Toddobaadkan, ayaa Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu waxay Guddoomiyaha Golahaasi ee beddelaya Cabdiraxmaan-Cirro u doorteen Baashe Maxamed Faarax oo hore u ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Golahaasi.

Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada waxa ku tartamay Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan-Talyanle oo Golahaa ka mid ah, waxaana Baashe u codeeyay 39 Xildhibaan, halka Talyanle-na uu helay 38 Cod, taasi oo keentay in Talyanle u Hambalyeeyo markiiba, laakiin Habeennimadii Isniinta ayaa Xildhibaan Talyanle sheegay in Qofka loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu isaga yahay, laakiin wax la isdaba mariyey, waxaanu Maxkamadda Sare u gudbiyey dacwad arrintaasi la xidhiidha, si Maxkamaddu uga gar-naqdo.

Sidaasi awgeed, ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed uu Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA u sheegay inay Maxkamaddu dersayso in Dacwadi ka dhalan karto oo laga aqbalo codsigaasi iyo in kale, isla-markaana ay ku jiraan marxaladda qiimeynta, si deg-deg ahna ay go’aan uga gaadhi doonaan inay Dacwad ka furaan Muranka ka taagan Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada.

Comments are closed