|

Madaxweynaha Oo Magacaabay Laba Agaasime Oo Cusub, Mid Horena U Beddelay Wasaarad Kale

Hargaysa 09. August 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne uu maanta ku magacaabay Agaasimaha Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Iyo Laba Agaasime Guud.

Digreetasda madaxweynaha oo uu ku saxiixan yahay afhayeenka Madaxtooyada Md Xuseen Aadan Cige (Deyr) nuqul ka mid ahina soo gaadhay Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Qurbejoog.com ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka  Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:  In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

  1. In Marwo, Sahra Maxamed Xuseen (Sahra Basbaaso), laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Mudane, Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
  3. In Mudane, Axmed Xaashi Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

 

   Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Comments are closed