|

Qaabkii uu Maanta Gacan ka hadalku uga Dhacay Golaha Wakiiladda, Cida Rasaasta Riday & Xubnaha la xidhay DAAWO

Hargaysa 08. August 2017 (SDN/QJ):- Khilaaf Gacan ka hadal Gaadhay ayaa maanta soo Kala Dhex Galay Gudoomiyaha Sharciyadiisa lagu Muransan yahay ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland kuna abtirsada Xisbiga Kulmiye.

Maanta oo aanu Jirin Wax fadhi ah oo ay lahaayeen Golaha Wakiiladdu ayaa Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Waxa uu gudaha u galay Xafiiska Gudoomiye Baashe Waxayna is dhaafsadeen Hadalo Cadho keenay Mid ka mid ah Ilaaladda Xildhibaan Saleebaan Cali Koore ayaa riday Xabad Baaskoolad ah Waxaana la sheegay in Ciidanka Booliska ee Ilaalada amaanka Goluhu inay Gacanta Ku dhigeen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan oo wata Unug ka tirsan Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ayaa gaadhay Xarunta Golaha Wakiiladda Waxayna Xidheen Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Ilaaladiisii oo loo dhaadhiciyey Xarunta Denbi baadhista ee CID-da.

Khilaafka ka dhex aloosan Golaha Wakiiladda ayaa ka dhashay kadib markii Maalintii Axadii fadhi uu Goluhu yeeshay loogu doortay Baashe Maxamed Faarax Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda oo uu ku helay 39 Cod halka Xildhibaan C.raxmaan Maxamed Talyanle uu helay 38 Cod hasa yeeshee Saacado kadib doorashada ayaa waxaa soo ifbaxay in wax is daba marin lagu sameeyay Natiijadii Cod u qaadista Murashixiinta Waxaanu Xildhibaan C.raxmaan talyanle oo markii hore ku hambalyeeyay guusha Gudoomiye Baashe uu Sheegay in 39 Cod uu isagu helay,Iyadoo Murankan doorasho uu u Gudbiyey Maxkamadda sare ee Distooriga ah.

Comments are closed