Kenya: Natiijadii Codbixintii Salaasada Maanta ka Dhacday Dalkaasi oo Isha lagu Hayo Iyo Tirintii Codadka oo Socota & Arrimaha Xiisaha leh ee Lagu arkay
Nairobi 08. August 2017 (SDN/QJ):- Goobihii codbixinta ee doorashadii isku dhafnayd ee Dalka kenya ka dhacday salaasadii maanta ayaa albaabada loo soo xidhay iyadoo labada musharaxba ay rajo ka muujiyeen natiijada codbixinta.
Sida ay Wakaaladaha Wararku ku soo Waramayaan Waxa bilaabatay tirinta codadka goobaha qaar kadib markii ay soo afjarantay cod dhiibashada.
Madaxweynaha haatan Uhuru Kenyatta oo uu dhalay aasaasihii Dalkaasi Joma kenyata ahna madaxweynahii ugu da’da yaraa ee wadankaa soo mara ayaa tartanka ugu jira in markii labaad jagadaasi loo doorto shanta sanadood ee soo socota, hadii uu ku guulaysan waayana waxa uu ku geli doonaa taariikhda dalkaasi inuu noqon doono Madaxweynahii koowaad ee aan dib loo soo dooran.
Dhanka kalena musharaxa la tartamaya oo ah Raila Odinga hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka waxa uu markii afraad tartan u gelayaa kursiga Madaxweynanimada, isagoo horena dalka raysalwasaare uga soo noqday mudadii u dhexaysay sanadihii 2008 ilaa 2013.
Bayaan ay soo saareen Goor gaaban oo galabta ah booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in aanay jirin dhacdooyiin amni daro ah oo dhacay intii ay codaynta doorashada socotay.
Booliiska ayaa waxa ay ugu baaqeen shacabka Kenyanka inay sii wadaan dhowrida nabadda inta ay socoto tirinta codadkii la dhiibtay.
Bayaankan ayay booliiska Kenya soo dhigeen barta ay twitarka ku leeyihiin.
Doorashadan kenya oo ah tii ugu balaadhnayd ee ay dadkii ugu badnaa u soo baxaan ayaa waxa ay sidoo kale tahay doorashada keliya ee loo ogolaaday inay maxaabiista jeelasha ku jiraa codkooda ka dhiibtaan.
Waxyaabaha La Yaab ka Leh ee Codbixintii Maanta ee Kenya
Haweenay ayaa umushay iyada oo sugaysa in codkeeda ay ka dhiibato doorashada dalka Kenya.
Paulina Chemanang ayaa markii ay umulaysay waxa caawiyay qaar ka mid ah dadkii codka ka dhiibanayay dugsiga saree ee Konyao Secondary School oo ku yaalla degaanka galbeedka Pokot, ka hor inta aan la gaynin goob isbataal ah.
Ka dib markii ay hooyadan umushay ayaa waxa dib loogu soo celiyay goobta codbixinta si ay codkeeda u dhiibato.
“In aan ku umulo goob codadka laga dhiibanayo waa mid kheyr ii ah alle Ayaan u mahadcelinayaa,”waxaa sidaasi ka soo xigtay ,idaacada maxaliga ah ee Capital FM.
Ms Chemanang ayaa cunugeeda ugu magac dartay Chepkura. “Kura” oo ah erey Sawaaxili ah ayaa waxa micnahiisu yahay codbixin.
Madaxa fulinta ee gudiga doorashada Kenya ,Ezra Chiloba, ayaa difaacay go’aanka guddiga ay ku soo daabaceen natiijada doorashada xilli ay wali socto dhiibashada codadka goobaha qaar.
Hadalka Chiloba ayaa jawaab u ahaa eedeeyn ahayd in ay arrintan galaangal ku yeelan karto natiijada.
Qayba ka mid ah dalka ayaa lagu daray waqtiga codaynta sababo la xiriira in goobaha codaynat la furay waqti dambe.
“Hadii qaar ka mid ah goobaha codaynta ay saameeyeen duruufo ka dhigtay mid aan suuaragal ahayn in geedi socodka la dhamystiro ,waa caadi in aan sii wadno ku dhawaqida natiijada,”ayuu yiri Mr Chiloba.
Sida way ee loogu soo baxay codbixinta doorashada Kenya ayaa ah mid muujinaysa”in dimuqraadiyada Kenya ay qaangaadhay”, waxaa sidaasi sheegay afhayeenka dowlada Kenya,Eric Kiraithe.
“Safafka waxay ahaayeen kuwa la yaab leh ,xaqiiqadii Kenyanka aad ayay u soo baxeen si ay u codeeyaan,”.ayuu yiri Kiraithe.
Afhayeenka ayaa amaanay saraakiisha guddiga doorashada iyo xuduudadaha(IEBC),oo uu sheegay iney si wanaagsan u qabteen shaqdooda.
Mar uu ka hadlayay dib u dhaca meelaha qaar ee ay sababeen xaaladaha cimilada ,waxa uu sheegay inay dowlada diyaar u tahay in ay gacan siiso guddiga doorashada.